Sawir: 5 Mas’uul ka tirsan DF oo qaranka Somalia iibgeeyay

0
9

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani xambaarsan xikmada ayaa waxaa laga sameeyay Kooxda Damul-Jadiid oo iib geyneysa Qaranka.

Sawirka ayaa waxaa lagu muujiyay ilaa 5 Mas’uul oo qeyb ka ah shaqsiyaadka iib geynaaya Qaranka waxaana kamid ah, Madaxweynaha Somalia oo lagu miisaalay wadaha gaariga lagu iibinaayo Qaranka, Ra’isul wasaaraha, Guddoomiyaha BF, Xildhibaan Faarax C/qaadir iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Mas’uuliyiinta iib geyneysa Qaranka ayaa isku tilmaamaya halka ku wacan in loo iib geeyo, waxa ayna tani muujineysaa xaalada dhabta ah ee ka taagan dalka.