Nikki Haley oo Carabta iyo dalalka Islaamka sharafta uga qaaday FALASTIIN

0
9
US Ambassador to the UN Nikki Haley speaks during the United Nations Security Council meeting on threats to international peace and security and the situation in the Middle East April 9, 2018 in New York. The UN Security Council opened an emergency session on Monday following an alleged chemical weapons attack in Syria that killed dozens and triggered calls for a response.The United States, France, Britain and six other countries requested the urgent meeting after toxic gas was allegedly used in the rebel-held town of Douma. / AFP PHOTO / Don EMMERT

New York (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee QM Nikki Haley ayaa weerar culus ku qaaday madaxda dalalka Carabta iyo islaamka, oo ay ku sheegtay inaysan dhab ka ahayn taageerada ay sheegtaan inay u hayaan dadka Faalstiiniyiinta.

Haley ayaa sheegtay in madaxda dalalkan aysan hadalladooda u eg geesinimada iyo la-jirka Falastiiniyiinta raacin wax taageero lacageed ah oo dadka Falastiin ay u baahan yihiin.

Haley ayaa sheegtay in dalalka carbeed sida Masar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ay mar walba ka hadlaan taageeridda Falastiin, sidaas oo ay tahay aysan siin taageero lacageed oo ku filan.

Safiirka Mareykanka ayaa soo saartay liis ay ku qoran yahay inta lacageed oo dalalkaas oo ay wehliyaan dalalka Algeria, Tunisia, Pakistan, Oman, Iran iyo Turkey, ay siiyeen ama siin hay’adda QM ee UNRWA oo ah hay’adda qaabilsan tagaeeridda qaxootiga Falastiin.

“Dhammaan hadallada ay dalalka Carbeed iyo Islaamka uga hadlaan halkan QM, waa eber, ma siiyaan Falastiin quudin, dhar, ama waxbarasho. Waxay sameeyaan kaliya inay dalalka kale ee caalamka dhalleeceeyaan” ayay tiri Haley.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee QM, Lana Nusseibeh ayaa sheegtay in Haley ay ku saxan tahay dhalleeceyntan, ayna qasab tahay in dalalka carbed ay sidan iska beddelaan.

Washington ayaa ah xukuumadda lacagta ugu badan siisa UNRWA. Si kastaba, sanadkan waxay bixineysaa kaliya 60 milyan oo dollar, taasi oo aad uga yar 350 milyan oo dollar oo ay horey u ballan-qaaday.

Tan iyo markii xukunka uu yimid madaxweyne Trump, Mareykanka ayaa caddeystay sida ay uga go’an tahay garab-istaagga Yahuuda gumaadka ku haysa Falastiiniyiinta, inkasta oo xukuumadihii isaga ka horreeyey ee wejiga daboolan jireen.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]