Xog sirdoon: Mareykanka oo bisha soo socota weerar ku qaadaya dalka Iran

0
5
epa06259249 A handout photo made available by the presidential official website shows Iranian President Hassan Rouhani speaking during the cabinet meeting in Tehran, Iran, 11 October 2017. Media reported that US president Donald Trump is to set to deliver a speech this week to decline Iran's 2015 nuclear deal with world powers. Following this Iranian President Hassan Rouhani said on 11 October 2017 that not Iran, but Trump will be a loser in the nuclear dispute. EPA/PRESIDENTIAL OFFICIAL WEBSITE HANDOUT HANDOUT EDITORIAL USE ONLY/NO SALES

Sydney (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa inay weerar gantaallo ah ku qaado goobaha Nuclear-ka dalka Iran bisha soo socota, sida uu kashifay sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Australia.

Taleefishinka qaranka Australia ee ABC ayaa sheegay in Trump uu diyaar u yahay inuu bixiyo amar weerar oo ka dhan ah Iran. Taleefishinka ayaa soo xigtay ilo-sirdoon oo magacooda la qariyey.

Si kastaba markii warkan uu soo shaac baxay, ayaa ra’iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnball waxa uu iska dayey inuu qaboojiyo, isaga oo sheegay inuu yahay warar la isla dhex-marayo oo aan hubneyn.

“Warka ABC ee laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Australia, aniga la igalama tashan, ama wasiirka arrimaha dibedda, ama wasiirka gaashaandhigga, ama taliyaha ciidmada” ayuu Turnball u sheegay ABC Radio.

Taleefishinka ABC ayaa sheegay in saldhigga ugu sarreeya sirdoonka dalkaas ee Pine Gap uu kaalin ka qaadan karo cayimidda goobaha weerarka lala beegsanayo ee dalka Iran.

Warkan ayaa imanaya ayada oo Trump uu toddobaadkii horey ugu hanjabay Iran inay la kulmi doonto cawaaqib aan dhicin taariikhda dunida haddii sida uu sheegay ay u hanjabto Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Sydney
[email protected]