Astaan muujineysa in ay ciidanka Kenya billaabayaan ka bixitaanka Soomaaliya

0
12
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa lacag hal bilyan oo shilling ah ka dhintay qarashka ku baxa ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya, taasi oo ah astaan muujineysa inay billaabayaan ka bixitaan tartiib ah, oo ay uga soo tagayaan Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Business Daily Africa.

Inkasta oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu marar badan ku celiyey in ciidamada ay sii joogi doonaan Soomaaliya illaa ay ka noqoto dal nabdoon, haddana is-beddelka lagu sameeyey miisaaniyadda, ayaa muujinaya is-beddel siyaasadeed.

Wasaaradda maaliyadda Kenya ayaa sheegtay in ka fileyso Amisom in uu muddo sanadeedka ku eg bisha June 2020 ay usoo celiso 4 bilyan oo shilling, oo ah lacagta uga baxday ciidankeeda jooga Soomaaliya. Tiradan ayaa 20% ka yar miisaaniyaddii horey ay u dejisayo dowladda Kenya oo ahayd 5 bilyan oo dollar.

Dowladda Kenya weli wax war ah kama aysan soo saarin sababta loo dhimay miisaaniyadda ciidamada, iyo inay jirto in ciidamadeeda ay qeyb ahaan ka baxayaan Soomaaliya.

Hase yeeshee, wargeyska ayaa qoray in sababta kaliya ee Kenya ay u dhimi karto qarashka uu yahay in la yareeyey ciidamadii joogay Soomaaliya, taasi oo muujineysa in ciidanka Kenya ay qeyb ahana kasoo baxayaan Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana xooggooda ay taageeraan maamulka Jubaland, oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka ee Muqdisho.