Shir ka dhacay Baardheere oo lagu kala tagay iyo halka uu marayo qorshaha DF

0
8
Aerial view of the Somali village of Bardera. Some vehicles are seen leaving the village on a dirt road that leads out of the town. The Botswana Army is being used to provide security for the humanitarian relief groups that are distributing food to the people of Bardera. This mission is in direct support of Operation Restore Hope.

Baardheere (Caasimada Online) – Waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday kulan shalay magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ku dhaxmaray saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka baxay Muqdisho iyo maamulka degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland.

Kulankaan ayaa ahaa mid guddoomiye Ismaaciil Qorrax oo dhawaan loo magaacabay Baardheere looga dalbanayay in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya, halka uu hadda ku xiran yahay Axmed Madoobe ,sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil kulanka qayb ka aheyd.

Sidoo kale waxaa jirta warar sheegaya in Guddoomiyaha loo sheegay in haddii uusan la shaqeynin dowladda uu ku khasaari doono rajadiisa gobalka Gedo oo dhawaan ay ka billaaban doonaan howlgalo laga hagayo Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Alqaadi uu ku dhawyahay in uu ka tanaasulo la shaqeynta Jubbaland islamarkaana uu taageero dowladda Soomaaliya oo wadahadalo kula jirta dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa soo sheegaya in ay halkaasi ka socdaan kulamo gaar gaar ah oo ku saabsan xaaladda gobalka Gedo, gaar ahaan xaaladda Baardheere ee gobalka Gedo, balse waxaa la ogeyn halka ay wax ku dambeyn doonaan.

Baardheere waxaa dhowaan gaaray ciidamo dowladda ay ka dirtay Muqdisho, oo doonaya inay awood kula wareegaan magaalada, haddii wada-hadallada xal lagu gaari waayo.