Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cade oo London ku geeriyooday

0
17
The Somali prime minister Nur Hassan Hussein, smiles during a meeting with journalists in a local hotel in Nairobi on June 17, 2008 where he urged the world to fund the implementation of a recent truce accord with Islamist insurgents to end violence in the shattered African nation. "At the end of the day, it is the responsibility of the Somalis to bring peace at home" he added. AFP PHOTO/Ali MUSSA (Photo credit should read ALI MUSSA/AFP via Getty Images)

Lodon (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Cadde) ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska.

Nuur Cadde ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay la xanuunsanayey cudurka Coronavirus, isagoo ku jiray isbitaalka Kings College oo ku yaalla magaaladaasi.

Geerida ku timid ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, marxuum Nuur Cadde, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey, Xaaji Maxamed Nuur Cadde.

Sidoo kale Xaaji Maxamed oo ah wiil uu dhalay marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in lagu aasi doono magaalada London ee dalka Ingiriiska.