Sharci la rabo in ciidamada Mareykanka looga soo saaro Sacuudiga oo la diyaariyey

0
10
130504-N-DR144-818 ANCHORAGE, Alaska (May 4, 2013) Marines assigned to Task Force Denali run to bring the ship to life during the commissioning of the San Antonio-class amphibious transport dock ship USS Anchorage (LPD 23) at the Port of Anchorage. More than 4,000 people gathered to witness the ship's commissioning in its namesake city of Anchorage, Alaska. Anchorage, the seventh San Antonio-class LPD, is the second ship to be named for the city and the first U.S. Navy ship to be commissioned in Alaska. (U.S. Navy photo by Mass Communication Specialist 1st Class James R. Evans/Released)

Washington (Caasimada Online) – Senator Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa diyaariyey sharci ciidamada Mareykanka looga soo saarayo dalka Sacuudiga, kadib carro ka dhalatay qiimo dhaca ay Riyadh ku sameysay suuqa saliidda caalamka.

Sharcigan oo uu diyaariyey Senator Bill Cassidy, oo laga soo doorto gobolka saliidda soo saara ee Louisiana, ayaa ciidamada Mareykanka muddo 30 maalmood ah uga soo saaraya Sacuudiga marka la ansixiyo kadib.

Faafitaanka cudurka Coronavirus ayaa dhaawac xooggan gaarsiiyey dalabkii saliida cayriin ee suuqyada caalamka, hase yeeshee waxaa uga sii daray saliid xad dhaaf ah oo Sacuudiga ay soo saarayaan, taasi oo qiimaha saliida gaysay heerkii ugu hooseeyey muddo 18 sano ah.

Cassidy ayaa sheegay in saliidda dheeriga ah ee ay soo saarayaan Sacuudiga ay wax aan suurta-gal ahayn ka dhigtay in shirkadaha saliidda Mareykanka ay kula loolamaan suuqyada.

“In lasoo saaro ciidamadii loo diray inay dad kale difaacaan waxay muujineysaa in saaxiibtinimadu tahay mid laba dhinac ah,” ayuu yiri Cassidy.

Sharcigan ayaa wajahaya dagaal xooggan si uu u dhaqan-galo, sababtoo ah wuxuu u baahan yahay ansixinta Aqalka Wakiilada, Aqalka Senate-ka iyo saxiixa madaxweyne Trump.

Si kastaba, waa astaan muujineysa in Congress-ka Mareykanka uu diyaar u yahay inuu qaado tallaabo ka dhan ah Sacuudiga, haddii aysan dhimin wax soo saarkooda saliidda.

Sharciga ayaa sidoo kale canshuur dheeri ah dul saaraya saliidda laga soo dhoofiyo Sacuudiga ee la keeno Mareykanka, 10 maalmood kadib marka la ansixiyo. Canshuurtaas ayaa xaqiijin doonta in saliidda laga keeno Sacuudiga aysan qiimaheedu ka yaraan 40 dollar barmiilkii.

Madaxweyne Trump ayaa horey ugu hanjabay canshuur ka dhan ah Sacuudiga iyo Russia, hase yeeshee weli ma dul-saarin kadib cadaadis ka yimid kooxaha u ololeeya danaha Sacuudiga ee dalka Mareykanka.

Congress-ka Mareykanka ayaa fasax ku jira illaa 20-ka bishan April sababo la xiriira Coronavirus, waxaana suurta-gal ah in fasaxa uu intaas ka dheeraado.