Waa maxay sababta Trump uu ugu mahad celiyay Iran?

0
6
epa06259249 A handout photo made available by the presidential official website shows Iranian President Hassan Rouhani speaking during the cabinet meeting in Tehran, Iran, 11 October 2017. Media reported that US president Donald Trump is to set to deliver a speech this week to decline Iran's 2015 nuclear deal with world powers. Following this Iranian President Hassan Rouhani said on 11 October 2017 that not Iran, but Trump will be a loser in the nuclear dispute. EPA/PRESIDENTIAL OFFICIAL WEBSITE HANDOUT HANDOUT EDITORIAL USE ONLY/NO SALES

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fariin mahad celin ah u diray dowladda Iran kadib markii ay is weydaarsadeen laba maxbuus oo siyaabo kala duwan labada wadan ugu kala xirnaa.

Dowladda Islaamiga ah ee Iran waxey sii deysay askari ka tirsan ciidamada badda Mareykanka, halka Mareykanka ay xabsiga kasii daayeen seynisyahan reer Iran ah oo loo heystay kiis gaar ah.

Arrintani waxey cadeyneysaa iney labada wadan ee khilaafka ba’an uu ka dhaxeeyay sanadahii dambe ay meel mariyeen heshiiskooda ku aadan is weydaarsiga maxaabiista.

Sirous Asgari oo ahaa seynisyahan reer Iran ah, islamarkaana ku eedeysnaa inuu qalab ka xaday jaamacad ku taalla wadanka Mareykanka ayaa lasii daayay. Sidoo kalana waxey Iran sii deysay Michael White oo ay sanadkii 2018 ka qabteen magaalada Mashhad inkastoo aan la shaacin sababta loox xiray.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa soo dhaweeyay sii deynta seynisyahanka halka Trump uu barta twitter-ka kusoo qoray qoraal uu arinta ku xaqiijinayo.

“Waxaan taleefoonka kula xiriiray laheystahii hore mareykanka Michael White kaas oo hadda ku sugan Zurich kadib markii ay sii deysay Iran, wuxuu diyaarad ku imaan doonaa U.S wakhti dhaw, gurigiisa ayuuna kusoo laaban doonaa,” ayuu Trump soo qoray.