Cumar C/rashiid oo shaaca ka qaaday siduu u arko xil ka qaadista Kheyre (Dhageyso)

0
27
In this Sunday, Aug . 8, 2010 photo Somalia's Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke speak to journalists in Nairobi Kenya about developments in Somalia . Somalia's prime minister resigned Tuesday to prevent what he called political turmoil amid an impasse with the country's president. Omar Abdirashid Ali Sharmarke told reporters he was resigning while standing alongside President Sheik Sharif Sheik Ahmed, who thanked the prime minister for what he called a "courageous decision." The resignation comes amid a rift between Sharmarke and Ahmed over a new draft constitution. The two have not gotten along for months, and a vote of confidence on the prime minister had been scheduled over the weekend, though it was postponed. (AP Photo/Khalil Senosi)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo wareysi siiyey VOA, ayaa sharci-darro ku tilmaamay habka loo maray xil ka qaadista ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre, kaasi oo saacado kadib isna sheegay inuu iscasilay.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in baarlamanka uu sharci ahaan leeyahay awood uu xilka uga qaado ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee in la jebiyey xeer hoosaadka baarlamanka, taasi oo tallaabadaas ka dhigay mid sharci darro ah.

Cumar waxa uu sheegay in marka hore ay ahayd in la eedeeyo xukuumadda, kadibna la siiyo fursad ay isku difaacdo, markaas kadibna loo qaado codka kalsoonida, arrimahaas oo dhammaantood aan la sameyn.

Waxa uu sheegay in baarlamanka laga yaabo inuu haystay codad ku filan oo lagu ridi karay xukuumadda Kheyre, balse usuan garaneyn sababta ay uga cabsadeen inay nidaam sharci ah maraan.

Xil ka qaadista Kheyre ayaa waxaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay oo dhaleeceeyey Midowga Yurub oo sheegay “in hanaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda uusan buuxin xitaa shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah.”

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ay dib u dhac ku tahay isbedellada horumar ee ka socday Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga Cumar Cabdirashiid