Ayatollah Ali Khamenei: Imaaraadka waxaa raacday ceeb aan abid ka hari doonin

0
5
In this picture released by the official website of the office of the Iranian supreme leader, Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei speaks during a video conference with education ministry officials, in Tehran, Iran, Tuesday, Sept. 1, 2020. Iran's supreme leader called the United Arab Emirates' recognition of Israel "treason that will not last for long." (Office of the Iranian Supreme Leader via AP)

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay khiyaameeyeen dunida muslimka, markii ay go’aansadeen inay xiriir la yeeshaa Israel.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad laga sii daayey taleefishinka Talaadaadii waxa uu ku sheegay in Imaaraadka ay dhabarka ka mindiyeeyeen Islaamka, ayna weligood ceeb ku noolaan doonaan.

“Dabcan, khiyaanada Imaaradka masii jiri doonto, hase yeeshee ceebta ka raacday weligeed waa la xusuusan doonaa,” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

“Waxay maamulka Saxnuuniyadda u ogolaadeen inuu gobolka soo galo, waxayna hilmaameen Falastiiniyiinta. Imaraadka weligood waa ay ceebeysnaan doonaan. Waxaan rajeynaa inay soo baraarugaan oo ay magdhow ka bixiyaan wixii ay gaysteen,” ayuu yiri

Mas’uuliyiinta Iran ayaa si xooggan u cambaareeyey heshiiska Mareykanka uu fududeeyey ee Israel iyo Imaaraadka, waxayna ka digeen in xiriirkooda uu dagaal ka hurin karo gobolka.

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Jamal al-Musharakh ayaa ku gacan seeray hadallada Khamenei, wuxuuna sheegay in “waddada nabadda iyo barwaaqada aan lagu gaarin hadallada naceybka iyo hurinta ku dhisan,”

“Hadallada noocan ah waxay lid ku yihiin nabadda gobolka,” ayuu yiri Musharakh.