Xog: Fadeexad kusoo baxday sii-hayaha wasiirka batroolka

0
5
Abdirashid Mohamed Ahmed, Somalia's petroleum and mineral resources minister, speaks during the 2019 CERAWeek by IHS Markit conference in Houston, Texas, U.S., on Wednesday, March 13, 2019. The program provides comprehensive insight into the global and regional energy future by addressing key issues from markets and geopolitics to technology, project costs, energy and the environment, finance, operational excellence and cyber risks. Photographer: Aaron M. Sprecher/Bloomberg via Getty Images

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii-hayaha wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa dhexda ka galay fadeexad kadib markii uu gabadhiisa xil uga magacaabay wasaaradda.

Bilowgii bishaan ayuu wasiirka Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta u magacaabay Sumaya Cabdirashiid Maxamed, waxaana ku xigtay inuu amray dhamaan xiriirada wasaaradda ay maamusho.

Bishii lasoo dhaafay Gudoomiyaha Guddiga Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa sameeyay xiriiro caalami ah uu la yeeshay Shirkado iyo Hay’ado ku lug leh arrimaha shidaalka iyo Qandaraasyada lagu iibinaayo xirmooyinka shidaal ee la baarayo.

Talaabadaas ay guddiga qaadeen waxey wasiirka ku qasabtay inuu magacaabo madaxa xiriirka iyo warbaahinta kana dhigo gabadhiisa si uu xaalad walba ula socdo.

Caasimadda Online waxey ogaatay in madax ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku amreen wasiirka inuu ka noqdo magacaabista isla markaana ay fadeexad weyn halkaas kasoo food saartay.

Wadanka muddo ka badan 40 Maalmood ma lahan ra’isul wasaare taasna waxey fududeysay in wasiirada qaarkood ay sameeyaan magacaabis aan sharci aheyn.