CC Sharmaarke oo ka hadlay sida uu arko doodda ka taagan magacaabis la’aanta ra’iisul wsaaraha

0
14
In this Sunday, Aug . 8, 2010 photo Somalia's Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke speak to journalists in Nairobi Kenya about developments in Somalia . Somalia's prime minister resigned Tuesday to prevent what he called political turmoil amid an impasse with the country's president. Omar Abdirashid Ali Sharmarke told reporters he was resigning while standing alongside President Sheik Sharif Sheik Ahmed, who thanked the prime minister for what he called a "courageous decision." The resignation comes amid a rift between Sharmarke and Ahmed over a new draft constitution. The two have not gotten along for months, and a vote of confidence on the prime minister had been scheduled over the weekend, though it was postponed. (AP Photo/Khalil Senosi)

Muqdisho (Caasimaad Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay haatan ku jirto, isagoo eedeyn u soo jeediyay madaxweyne Farmaajo.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aan hadda laga sugeyn wax-qabad dambe, sababtana ay tahay inuu awoodi waayey seddax sano iyo barkii la soo dhaafay, sida uu hadalka u dhigay

Waxa uu sheegay in hadii uu la imaan lahaa hoggaamin wanaagsan mudadii ay wada shaqeynayeen ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay wax-badan u qabsoomi la haayeen madaxweynaha.

“Sanadihii lasoo dhaafay madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre fursad waa heysteen, mudada intaas la’egna madaxweyne iyo ra’iisul wasaare wada joogay waxaa laga sugaayey inay ka shaqeeyaan waxa dalka masiiriga u ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin, dhameystirka dastuurka, doorashooyinka, maqaamka Banaadir iyo nidaamka xisbiyadu ay doorashada u gelayaan,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxa uu sheegay in marnaba aysan madaxda dowladan u dhaqaaqin inay wax ka qabtaan waxyaabihii masiiriga ahaa ee loo xil-saaray.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in haatan ay u muuqato in awoodii dhameed uu isku koobay Farmaajo, taasna aan laga yeeli doonin.

“Waxaa muuqata in madaxweynuhu uu hadda wax kasta yahay, mana ahan mid dadku ay raali ka noqonayaan, waxaan rajeynayaa in madaxweynuhu dareenka dadka tix-geliyo oo uusan dhihin dastuurka waxaan rabaan ka sameysanayaa, arintaasi dhaawac ayey ku tahay dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, Madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa in sida ugu dhaqsaha badan uu u soo magacaabo ra’iisul wasaare, waxaa la rabaa in jaangoynta siyaasadeed ee dalka uu qeyb ka noqdo ra’iisul wasaaraha dalka, sababtoo ah isaga iyo xukuumadda ayaa la rabaa inay hir geliyaan wixii lagu heshiiyo, wax aan laga tala-gelin oo uusan awoodin in berri korka laga saaro ra’iisul wasaare lala soo daahay waa arrin qalad ku ah dowladnimada Soomaaliya.”

Hoos ka daawo Cumar Cabdirashiid