KENYA oo xabsiga dhigtay Soomaali badan + Sababta

0
9
Kenya Defense Forces (KDF) arrive on September 22, 2013 at the Westgate mall in Nairobi. Kenyan troops were locked in a fierce firefight with Somali militants inside an upmarket Nairobi shopping mall on September 22 in a final push to end a siege that has left 43 dead and 200 wounded with an unknown number of hostages still being held. Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab rebels said the carnage at the part Israeli-owned complex mall was in retaliation for Kenya's military intervention in Somalia, where African Union troops are battling the Islamists. AFP PHOTO / SIMON MAINA (Photo credit should read SIMON MAINA/AFP/Getty Images)

Gaarisa (Caasimada Online) – Ciidamada booliska gobolka Garrisa ee Kenya ayaa gacanta ku dhigay dad Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 12-qof.

Sida uu baahiyay Citizen Tv waxa shaqsiyaadkaasi lasoo qabtay kadib markii laga waayay dukumintiyo muujinaya jinsiyadahooda, xili ay saarnaayen gaari dowladeed.

Telefishanka oo soo xiganaya laamaha amniga ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay shaqsiyaadkaasi ka dalbadeen hubinta howlaha ay wadaan, iyaga oo maraya buundada Garissa-Tana, kadibna ay cadaatay inay watan dukuminta aan sax aheyn.

Eedeysanayaashan ayaa waxa loo haysta inaysan sax aheyn aqoonsiga gaariga ay wataan, kaasi oo ay ciidamadu xaqiijiyeen inuu ka diiwaan-gashan yahay wasaaradda horumarinta magaalada Garissa.

“Saraakiishu waxay ogaadeen in aqoonsiga la siiyey uu ka duwan yahay midka gaariga dhabta ah, waxay kaloo ogaadeen in gaariga uu ka diiwaan-gashan yahay wasaaradda horumarinta magaalooyinka Garissa” ayey yiraahdeen illo wareedyo dhanka laamaha amnigu.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu tuhun badan ka jiro dalka Kenya, kaasi oo la xiriira ka ganacsiga dhoofinta dadka, maadama marar hore dad badan lagu dhoofiyey gawaari aan wadan sharciyo sax ah.

Dabayaaqada isbuuci hore unbey aheyd markii ciidamada Kenya ay fashiliyeen kooxo ku howlanaa dhoofinta dadka, isla markaana ay xireen raggii ku howlanaa falkaasi iyo saddex gaari oo ay wateen.