Al-Shabaab oo dagaal ku bilowday madaafiic xalay ku qaaday magaalada Marka

0
7
A handout image made available by the African Union Mission to Somalia (AMISOM) on October 5, 2014, shows the al-Shabab stronghold of Barawe, sitting next to the ocean in the Lower Shabelle region of Somalia, 200 kilometres (120 miles) southwest of Mogadishu. Somali troops backed by African peacekeepers recaptured the last major port in Somalia held by the al-Shebab, Al-Qaeda's main affiliate in Africa, removing a key source of revenue for the Islamist militia, officials told AFP. The al-Shebab, exported charcoal through Barawe to Gulf countries, earning at least $25 million (19 million euros) a year from the trade according to UN estimates. AFP PHOTO/AMISOM/TOBIN JONES == RESTRICTED TO EDITORIAL USE - MANDATORY CREDIT "AFP PHOTO / HO / AMISOM " - NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS - DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS == (Photo by TOBIN JONES / AMISOM / AFP)

Marka (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka o u dhexeeyey ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ku billowday madaafiic, sida ay xaqiijiiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka madaafiicda markii lagu hore lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Marka, waxaana xigay iska hor-imaad dhex-maray labada dhinac.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in halkaasi uu ka qarxay dagaal saacado socday oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay, balse xaaladda aya haatan ah mid degan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/Hoose.