Maxkamadda ICJ oo war kasoo saartay dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

0
15
epa04148201 Judges in the courtroom prior to the announcement of a verdict in the case against Japanese whaling at the International Court of Justice (ICJ), in The Hague, The Netherlands, 31 March 2014. Australia in 2010 had brought Japan to the ICJ asking the leading UN court to rule on Japan's whaling. Australia accuses Japan of commercially hunting whales and hiding the fact behind a loophole in the 1986 whaling ban that allows hunting whales for scientific research. EPA/MARTIJN BEEKMAN

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa qoraal ay soo saratay ku xaqiijisay inay mar kale dhageysan doonto dacwadda kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, bishan March.

Qoraalka kasoo baxay maxkamadda Hague ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay billaaban doonto 3:00 pm 15-ka March 2021, ayna ka dhici doonto xarunta Peace Palace oo ah fadhigga Maxkamadda ee magaalada Hague ee dalka Neterhalnds.

“Ayada oo la eegayo xaaladda cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, dhageysiga ayaa wuxuu u dhiic doona qaab online ah. Qaar ka mid ah xubnaha Maxkamadda ayaa dhageysiga uga qeyb gali doona xarunta, halka qaar kalena ay muuqaal ahaan kusoo geli doonaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in wakiilada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysiga uga qeyb-gali karaan hab goobjoog ama muuqaal ah.

Waxay sidoo kale Maxkamaddu sheegtay in diblomaasiyiinta iyo suxufiyiinta ay sidoo kale kala socon karaan dhageysiga kiiskan website-ka Maxkamadda, iyo midka UN Web TV.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa dhowaan ku gacan seertay codsi ay dowladda Kenya ku dooneysay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan codsatay in kiiska markii afaraad dib loo dhigo, ayada oo markan dood ka dhigatay inay dooneyso inuu u dhaco qaab weji ka weji ah, intii lagu qaban lahaa hab online ah, sida uu sheegay garyaqaanka guud ee dalkaas Ken Ogeto.