Sidee ku dhaqan galayaa go’aanka Maxkamadda ICJ ee kiiskii Somalia iyo Kenya?

0
10
epa04148201 Judges in the courtroom prior to the announcement of a verdict in the case against Japanese whaling at the International Court of Justice (ICJ), in The Hague, The Netherlands, 31 March 2014. Australia in 2010 had brought Japan to the ICJ asking the leading UN court to rule on Japan's whaling. Australia accuses Japan of commercially hunting whales and hiding the fact behind a loophole in the 1986 whaling ban that allows hunting whales for scientific research. EPA/MARTIJN BEEKMAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Caddaalladda Adduunka ayaa shaley qeyb libaax u xukmisay Soomaaliya dhulkii badda ee lagu muransanaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya waxay ku gacan seyrtay go’aanka maxkamadda, islamarkaana ka digtay in uu waxyeelayn doono xiriirkii labada dal, halka Soomaaliya ay si weyn usoo dhoweysay.

Dr. Axmed Cali Khayre oo ah sharci yaqaan ayaa ayaa ka waraamay  sida uu ku dhaqangeli karo go’aanka kasoo baxay maxkamadda marka loo fiiriyo xeerarka caalamiga.

“Maxkamadda ciidan iyo boolis arrinta hirgeliya ma lahan, marka qaab sharci ah ay xukunka ku rido maxkamadda, dalalka inta badan wey aqbalaan, xukunka sharci ayuu noqanayaa sababta oo ah Maxkamaddii Caddaaladda Adduunka ayaa gaartay ,sharci ahaan haddii maxkamadda go’aankaas gaartay wuxuu noqonaya mid sax ah,” ayuu yiri Dr. Khayre.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkmadda ICJ, wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena.

“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Si kastaba, madaxweynaha Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in Kenya aysan aqbaleyn, islamarkaana aqoonsaneyn go’aanka Maxkamadda.