20 QOF oo Soomaali ah oo ku dhintay Kenya kadib markii…

0
13
Police officers stand near a cordon at the scene where police are exhuming bodies of victims of Christian cult that has led to death of dozens of followers, at a forest in Shakahola area, outskirts of Malindi town, Kenyan Coast Tuesday, April 25, 2023. Kenya's president William Ruto said Monday that the starvation deaths of dozens of followers of pastor Paul Makenzi, who was arrested on suspicion of telling his followers to fast to death in order to meet Jesus, is akin to terrorism (AP Photo)

Gaarisa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay doon ay la socdaan dad badan oo rakaab ah, taas oo ku qalibantay agagaarka magaalada Gaarisa, gaar ahaan deegaanka Kona Punda oo ka tirsan degmada Madogo ee ismaamulka Tana River.

Shilkan ayaa dhaliyay khasaare xoogleh oo dhimasho, sida laga soo xigtay dadka deegaanka oo weli wada gurmad iyo baadi goob loogu jito doonidaasi.

Ugu yaraan 20 qof oo rakaab ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay halkaasi, taas oo weli baadi goob loogu jiro.

Dhammaan dadka ku geeriyooday doonta degtay ayaa ah Soomaali, taas oo dadka deegaanka, gaar ahaan ehelladooda ku reebtay xanuun aad u wayn.

Doonida oo ay saarnaayeen in ka badan 40-qof oo rakaab ah ayaa ku sii jeedday Gaarisa iyadoo ka baxday degmada Madogo, halkaasoo ay ka soo qaadday rakaabkii saarnaa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda, waxaase soconayo howlgal ay wadaan maamulka deegaanada iyo shacabka, si looga jawaabo mashaqadaasi.

Waa marki ugu horreysay inta la xasuusto oo shil noocani oo kale ah uu ka dhaco wadaddan isku xidha Nairobi iyo Garissa.