25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Xog: Imaaraadka oo u yeeray Deni iyo Axmed Madoobe – Maxay kala hadlayaan?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo casuumad ka helay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa saacadihii lasoo dhaafay isugu tegay magaalada Abu Dabai, halkaas oo hadda ay ka socdaan kulamo xasaasi ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay uga sii gudbeen Imaaraadka Carabta oo looga yeeray, si loola wadaago ajandayaasha Imaaraadka fulinta uga baahan gudaha Soomaaliya.

Labadaas dowlad goboleed ayaa ku dhacsan dowladda federaalka, Imaaraadka ayaa isna faro-gelin qaawan ka wada gudaha Soomaaliya, taasi oo labada dhinac u sahleysa inay iska kaashadaan danaha Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya.

Waxaa horay Nairobi uga dhacay maalmihii lasoo dhaafay kulamo lagu heshiisiinayey Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo siyaasadda ku kala tegay wixii ka dambeeyey dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, in kastoo aan la ogeyn natiijada kulamadaas iyo hadii ay heshiis rasmi ah ka gaareen labada hoggaamiye.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa si weyn uga xumaaday, garabna uga waayey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe khilaafkii ka dhex qarxay Xasan iyo Deni wixii ka dambeeyey doorashadii madaxda dowladda federaalka, inkastoo Axmed Madoobe uu dib kala dagaalay dowladda federaalka, hadana muddo ayuu saaraa Tareenka Xasan Sheekh, iyadoo uu fagaarayaasha ka maqan yahay Saciid Deni.

Imaaraadka ayaa caan ku ah in sanadka ugu dambeeya ee muddo xileed kasta ee madaxda dowladda federaalka ay gudaha dalka soo geliyaan dhaqaale badan, faro-gelin siyaasadeed oo toos ah iyo fulinta go’aano cuuryaaminaya dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa suurtagal ah in labadaas dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ay isku waafaqaan qorshaha fulinta Imaaraadka ee loogu yeeray, taas oo khatar hor leh ku noqon karta dowladda federaalka iyo guud ahaan dalka.

Dowladda Federaalka oo dareensan khatarta Imaaraadka ayaa marar badan fagaarayaasha ka sheegtay inay jiraan dowlado iyo shaqsiyaad kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo iska kaashanaya arrimo xasaasi ah oo ka dhan ah dowladnimada Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dhankooda isugu yimid Muqdisho, kuwaas oo culeys soo saaray dowladda federaalka, kulamo iyo abaabul bulsho ayey ka bilaabeen caasimadda, iyagoo dowladda ku cadaadinaya inay kala tashato nooca doorasho ee dalka loo jiheynayo.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka shaqeyneysa inay dhigto gogoshii u uku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ajandeheedu yahay in xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadda, doorashooyinka iyo mideynta awooda Soomaalida ee dagaalka argagixisada.

La-tashiyo bulsho ayey xukuumaddu Muqdisho ka bilowday, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay la kulanto siyaasiyiinta mucaaradka ah oo la weydiiyo sida ay wax u rabaan, kadibna ay go’aan ka soo saarto qaabka, goobta, goorta iyo martida ka qeyb geleysa gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Read more

Local News