26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Maamulka HirShabeelle oo xiriirka u jaray SODMA kadib fadeexaddii shalay dhacday

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda Gargaarka Bani’aadannimo iyo Maareynta Masiibooyinka ee HirShabeelle ayaa si rasmi ah u shaacisay inay hakisay dhammaan wada-shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), iyadoo ku eedeysay in hay’addu ay si isdaba joog ah ugu guuldarreysatay gaarsiinta gargaarka iyo inay ka maqan tahay daahfurnaan ku filan.

Qoraal ay wasaaraddu soo saartay Axaddii ayay ku sheegtay in SODMA si khaldan u maamushay agabkii gargaarka, iyadoo tusaale ahaan u soo qaadatay dhacdo ka dhacday degmada Moqokori, halkaas oo la geeyay oo keliya kartoonno yar-yar oo dawo ah, inkasta oo hawlgalkaasi loogu talagalay inuu noqdo gargaar bani’aadannimo oo muhiim ah.

“Go’aankan waxa uu salka ku hayaa is-faham la’aan joogto ah, maamul-xumo ku saabsan gargaarka loogu talagalay shacabka HirShabeelle, iyo daahfurnaan la’aan ka jirta hannaanka maareynta gargaarka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Tallaabadan ayaa daba socota dhaleeceyn kulul oo uu horay u jeediyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, kaas oo hay’adda SODMA ku eedeeyay inay si liidata oo ceeb ah u gaarsiisay gargaar ciidamada xoogga dalka iyo maleeshiyada deegaanka ee Macawiisley ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Guddoomiye Muuse ayaa horraantii ku dhaliilay SODMA inay u dirtay “dhowr kartoon oo raashin ah” laba diyaaradood oo gaaray furimaha dagaalka — arrin uu ku tilmaamay mid meel-ka-dhac ku ah naf-hurnimada iyo dadaalka ciidamada deegaanka.

Inkasta oo cabashooyinku isa soo tarayaan, haddana SODMA weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin hadallada kasoo yeeray guddoomiyaha Hiiraan iyo go’aanka wasaaradda Hirshabeelle.

Hakinta wada-shaqeynta ayaa iminka dhalisay su’aalo hor leh oo ku saabsan sida ay iskula jaanqaadayaan hay’adaha masiibooyinka ee heer federaal iyo heer gobol, xilli ciidamada deegaanka ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News