25.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Madaxweyne Afwerki oo weerar culus ku qaaday Itoobiya

Bookmark
Bookmarked

Share

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa khudbaddii xuska maalinta madaxbannaanida si kulul ugu eedeeyay dowladda Itoobiya inay noqotay “wakiil” u adeega danaha quwadaha reer Galbeedka, isla markaana ay hurinayso colaadaha qowmiyadeed ee gudaha dalkaas. Hadalkan ayaa muujinaya heerkii ugu hooseeyay ee xiriirka sii xumaaday ee u dhexeeya labada dal ee dariska ah ee Geeska Afrika.

Afwerki oo ka hadlayay magaalada Asmara xuska 33-sano guurada madaxbannaanida Eritrea, ayaa si toos ah u weeraray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, isagoo ku eedeeyay Addis Ababa in ay qaadatay mabda’a federaalka ee ku saleysan qowmiyadaha, taasoo uu ku tilmaamay inay Itoobiya gelisay “jahawareer iyo burbur.”

“Kala qaybsanaanta qowmiyadeed ayaa noqotay astaanta lagu garto siyaasadda Itoobiya,” ayuu yiri Afwerki, isagoo si gaar ah u tilmaamay fikradda “Orommuma” — oo ah aragti qaranimo oo lala xiriiriyo qowmiyadda Oromada — isagoo ku tilmaamay mid wiiqaysa xasilloonida dalka. “Ma matalayso shacabka Oromada si dhab ah, balse waxay hurisaa dabka kala qeybsanaanta ee dalka oo dhan.”

Madaxweynaha Eritrea ayaa sidoo kale cambaareeyay waxa uu ku sheegay “dagaal maskaxeed” oo lagu xakameynayo runta, lagu faafinayo warar been abuur ah, isla markaana lagu kicinayo colaado bulshooyinka dhexdooda ah. Wuxuu sheegay in xeeladahaan la adeegsanayo gudaha Itoobiya iyo sidoo kale lagu wajaho dowladda Eritrea.

“Falkii qarsoonaa iyo kuwa cad ee lagu waxyeellaynayo shacabka iyo dowladda Eritrea waa arrin si wanaagsan loo ogyahay,” ayuu yiri, inkasta oo uusan bixin faahfaahin.

Afwerki wuxuu si cad u muujiyay niyad-jab weyn oo ka dhashay burburka rajooyinkii ka dhashay heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee Itoobiya lala galay sanadkii 2018 — heshiiskii soo afjaray labaatankii sano ee colaadda, kaasoo abaalmarinta Nabadda ee Nobel u suurtageliyay Abiy.

Wuxuu sheegay in is-afgaradkaasi “si tartiib ah u libdhay” iyadoo ay sabab u yihiin isbeddelada siyaasadeed ee gudaha Itoobiya iyo xiriirka cusub ee dowladdaasi la sameysay quwado shisheeye.

“Shacabka Eritrea ka ma qoomamaynayaan taageeradii daacadda ahayd ee ay siiyeen isbeddelkii la filayay,” ayuu yiri, “inkasta oo dhacdooyinka ay u leexdeen jiho aan laga filaynin oo laga xumaado.”

Wuxuu sheegay in dad tiro badan oo Itoobiyaan ah ay hadda bilaabeen inay ka horyimaadaan dowladdooda, taasoo muujinaysa kacdoon bulsho iyo xaalad siyaasadeed oo kacsan oo ka jirta xadka labada dal.

Xifaaltan soo jireen ah oo salka ku haya dagaal iyo kalsooni-darro

Eritrea iyo Itoobiya waxay leeyihiin taariikh adag oo colaadeed. Eritrea waxay madax-bannaani ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993 kadib dagaal soddon sano socday.

Shan sano kadib, labada dal ayaa galay dagaal xuduudeed oo ba’an intii u dhaxeysay 1998 ilaa 2000, kaasoo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, isla markaana hakiyay xiriirka diblomaasiyadeed muddo ku dhow labaatan sano.

Heshiiskii nabadeed ee 2018 — oo markii hore loo arkayay isbeddel weyn — wuxuu dhaliyay waqti gaaban oo dib-u-heshiin ah. Si kastaba ha ahaatee, wada-shaqeyntii waxay burburtay kadib markii Itoobiya ay gashay qalalaaso gudaha ah, oo uu ugu darnaa dagaalkii Tigray ee u dhexeeyay 2020–2022, kaasoo ciidamada Eritrea ay la garab dagaalameen kuwa dowladda federaalka Itoobiya.

Inkasta oo labada dowladood ay si ku-meel-gaar ah isugu soo dhowaadeen xilligaas, haddana xiisado ayaa markale soo ifbaxay, iyadoo ay muuqato kala fogaansho sii kordhaysa oo ka dhex taagan saaxiibadii hore ee dagaalka.

Hadalka ugu dambeeyay ee Afwerki wuxuu xoojinayaa kalsooni-darrada sii kordhaysa, wuxuuna muujinayaa in uu bilow u noqon karo wejigii cusub ee xiisad siyaasadeed iyo colaadeed ee mid ka mid ah gobollada ugu kacsan Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News