27.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Sawirro: Taliyaha Booliska oo maanta tegay xarunta SoDMA kadib fadeexaddii dhacday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta tegay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), xilli ay taagan tahay fadeexad wayn oo ay lugaha hay’adda kadib gargaarkii ay dhowaan gaysay gobolka Hiiraan.

Taliye Asad Diyaano ayaa waxaa xarunta SoDMA kusoo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adaasi Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay SoDMA labada mas’uul aaa ka wada-hadlay xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo in Taliska Booliiska hay’adda ka saacido ilaalinta amniga goobaha gargaarka la geynayo.

Booqashadan deg-deg ah ee Taliyaha Booliska ayaa timid saacado uun kadib markii ay Hay’addu mid kamid ah fadeexadihii ugu waynaa ay kala kulantay gargaar ay gaysay Hiiraan oo uu haatan ka socdo halgan culus oo ay dadka deegaanka kula jiraan Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobolkaas Muuse Salaad Wehliye oo ka carooday fadeexaddan ayaa tilmaamay mid aan ka tarjumeyn baahida dhabta ah ee ciidanka Macawiisleeyda. Waxa uu sheegay in gargaarkaasi uu ahaa dhowr kartoon oo aan ka turjumeyn doorka muhiimka ah ee ay ciidamadu kaga jiraan dagaalka Al-Shabaab.

Muuse Salaad ayaa si gaar ah u muujiyay sida uu uga niyad-jabay qaabka ay Dowladda Federaalka iyo Hay’adda SoDMA ula dhaqmeen ciidanka Macawiisleyda, oo uu ku sifeeyay geesiyaal u huray naftooda difaaca dalka. Wuxuu sheegay in lagu gefay karaamadooda markii loo keenay gargaar yar oo aan la jaanqaadi karin waxqabadkooda.

Tan yaabka leh ayaa ah in gargaarkan saluuga laga muujiyay lagu soo qaaday laba diyaaradood, uuna ku baxay kharash illaa xad ka badan agabka lagu sheegay gargaarka. SODMA ayaa inta badan lagu eedeeya inay safka hore uga jirto hay’adaha uu musuqa biyo dhigay ee dowladda Soomaaliya.

“Dadka meeshaan jooga in hay’adda SODMA u keento dhowrkan kartoon oo ay ku qancan una sacbiyan maahan mid inaga suurta-galeyso, ciidamada Macawiisleyda waxay naftooda u hureen difaaca dalka, umana qalmaan in loo keeno dhowr kartoon oo magac loogu raadinayo waa arin fadeexad iyo ceeb weyn ku dowladda,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Salaad.

hinaca kale, shacabka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda si weyn baraha bulshada uga muujiyay caro iyo niyad-jab ku saabsan gargaarkii SODMA ee Moqokori, iyagoo is-barbardhig ku sameeyay gargaarka ballaaran ee la gaarsiiyay deegaanno ka tirsan Sh/Dhexe. Waxayna cadaalad-darro ku tilmaameen in Hiiraan oo dagaal culus ku jirta loo keeno kartoono kooban.

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ciidamada Macawiisleyda ay sare u qaadeen hawl-galladooda gobolka Hiiraan, gaar ahaan xuduudda ay la wadaagto Sh/Dhexe, iyagoo guulo la taaban karo ka gaaray dagaallo ay ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News