26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

SHARIIF oo arrin xasaasi ah ku eedeeyey Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyay shirweynaha mucaaradka ee ka socda hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus oo la xiriirta ciidamada iyo dagaalka Al-Shabaab u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Shariif ayaa Xasan ku eedeeyay hoggaan xumo, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay furimaha dagaalka uga soo baxeen musuq-maasuq dartiis, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan aad uga xunahay hoggaan xumada iyo musuq-maasuqa keenay ciidanku inay niyad jabaan oo furimaha ay kasoo cararaan iyagoo aan hubno inay diyaar u ahaayeen inay difaacaan dalkooda” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay hoggaanka dalka inay talada dhexda soo dhigaan, isla markaana ay soo fariistaan miiska wada-hadalka, si loo badbaadiyo dalka.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xusay in dagaalka looga horeeyay Xasan Sheekh, ayna haboon tahay in talo uu waydiisto dadka, si argagixisada looga ciribtiro dalka.

“Waa u deynay shaqadoodii, waana kasoo bixi waayeen waxay bilaaben inay eed tamaan oo darbiyada madaxa ku dhuftaan waxaan leenahay taas waxaa idinkaga fudud miiska soo fariista diyaar ayaa la’idin yahay, waa la’idinkaga horeeyay dagaalka” ayuu mar kale yiri.

Dhinaca kale, wuxuu boggaadiyay Macawiisleyda Xawaadle ee dagaalka adag kula jira kooxda Al-Shabaab, isaga oo u tacsiyeeyay askarta ka dhimatay, kuwa dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Shariifka ayaa xusay in loo baahan yahay in lagu daydo reer Hiiraan, isla markaana loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa inaan si gaar ah u xuso qabaa’ilka daga Hiiraan ee runtii u dhabar adeegay la dagaallanka Al-Shabaab inaan ku hambalyeeyo dadka dhintana allaha u naxariisto kuwa dhaawac ahna alle ha caafiyo” ayuu yiri isaga oo ka hadlay halganka ay ku jiraan reer Hiiraan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda

- Advertisement -

Read more

Local News