27.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Abuu Xaniifa iyo xubno kale oo maanta lagu dilay dagaal

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen gudaha deegaanka Aboorey ee gobolkaasi, kadibna ay dagaal la galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay fariisin ay weerareen ciidamada huwanta oo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay dagaalameen labada dhinac, iyada oo khasaae culus la gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka lagu dilay horjooge sare oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Xaniifa iyo maleeshiyaad kale oo tiradoodu la shaacin.

Abuu Xaniifa ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay xubnaha Al-Shabaab ee gacanta ku hayo deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay haatan ku sugan yihiin afaafka hore ee deegaanka Aboorey, iyaga oo qorshahoodu yahay in gebi ahaan deegaankaasi ay ka xoreeyaan argagixisada.

Aboorey ayaa ah deegaan muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, taas oo keentay in dagaalka ka scoda deegaankan oo qaato muddo aad u dheer.

Dagaalka maanta ayaa daba socda howlgallo culus oo maalmihii lasoo dhaafacay ciidamada Macawiisleyda Hiiraan ay ka wadeen xadka gobolkaas uu la wadaago Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo khasaaraha ugu badan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo dhowaan ka dhacay soohdinta labada gobol ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan hulka howdka ah iyo dhiigooda oo meel kasta yaalla.

Waxaa kale oo loo daatay talisyadoodii oo dhiigga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda aydifaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News