26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Mucaaradka oo soo saaray 11 qodob oo xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxay war-saxaafadeedkii aadka loo sugaayey mucaaradka, kaas oo ka kooban 11 qodob oo si wadajir ah ay u soo saareen 13 musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedkaan xasaasiga ah:

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin madax hore dalka uga soo qabtay xilka Madaxweynaha, guddoonka Baarlamaanka, madaxa Xukuumadda, wasiirro, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa isugu yimid shir muddo afar maalin ah 27- 31 Maajo 2025, ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madasha oo wadatashiyo la yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka, warbaahinta, iyo madasha bulshada rayadka ah ayaa looga hadlay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada Al-shabaab iyo Daacish,

midnimada iyo wadajirka dalka, khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dastuurkii dalka ee la beddelay, musuqa iyo eexda baahday, xaraashka dhulka danta guud, heshiisyada qarsoon ee lagu bixiyey khayraadka dabiiciga ah ee dalka, dhallinyarada ku dhammaatay badaha iyo

saxaraha geeri go’ankanka ah, duruufaha dhaqaale xumo iyo xaaladda qallafsan ee

bani’aadannimo.

Ugu horrayn Madashu waxay waaladiinta iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynaysaa dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku nafwaayey biyaha badda u dhexaysa Aljeeriya iyo Isbayn,

iyagoo ka qaxaya rajo la’aan iyo quus ay ka qabaan mustaqbalka dalkooda.

Madashu waxay soo saartay qodobbada soo socda;

1. Amniga iyo la dagallaanka argagexisada:

Madashu waxay hoosta ka xariiqday in meel looga soo wada-jeesto dagaalka kooxaha argagexisada ah ee Alshabaab iyo Daacish, si buuxdana loogu garab istaago dowladda, si loo badbaadiyo jirtaanka qarannimo iyo dowladnimada ee dalkeenna, iyadoo dhanka kale lagula xisaabtamayo hoggaanka dowladda

maamulka iyo istiraatiijiyad xumida dagaalka, dayaca iyo daryeel la’aanta geesiyada naftood hurayaalka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha degaannada kala duwan.

2. Midnimada iyo Wadajirka Dalka:

Madashu waxay xoojinaysaa midnimada iyo wadajirka dalka, waxayna canbaaraynaysaa faquuqa siyaasadeed, kala irdhaynta iyo talo isku kali yeelka maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu wiiqayo heshiisyadii siyaasadeed ee

saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad ee dalka, kuwaasoo ka soo billaawday shirarkii 1Carta iyo Mbgathi.

3. Sharciyada Maamul Gobolleedyada: Shirku wuxuu walaac xoog leh ka muujinayaa muddo dhaafka xileed ee dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed,

taasoo khilaafsan dastuurka dalka iyo midka dowlad Gobolleedyada. Muddo kordhinta sharci darrada ah, ku biirista Xisbiga Madaxweynaha iyo burburinta Madashii Wadatashiga Qaran waxay tilmaam cad ka bixinayaan damaca kalitalis ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qorshihiisa mudo kordhin iyo xaqiijinta doorasho kaligii ku guulaysan karo.

4. Ku Takrifalka awoodda, eexda iyo Musuqmaasuqa: Madashu waxay si adag u

canbaaraynaysaa ku takrifalka awoodda dowladda, musuqa iyo eexda baahday, xaraashka dhulkii dowladda ee danta guud, heshiisyada qarsoodiga ah ee ku aaddan khayraadka dabiiciga ah ee batroolka, macdanta, iyo kalluunka, u sinnaan la’aanta fursadaha shaqo, kunturaadaha, mashruucyada horumarineed ee dalka iyo adeeg la’aanta bulshada, kuwaasoo

sabab u noqday;

a) b) c) d) In dhaqaalihii dalka uu galo gacanta inyar oo xulafo la ah Madaxweynaha.

Qiime jab ku dhacay beeca dhulka, kaasoo khasaare baaxad leh u geystay dad badan oo dhulka maalgashaday.

Dhaqdhaqaaqii ganacsi oo istaagay, taasoo keentay in hanti badan oo balaayiin doolar ah dalka lagala baxo, dibaddiisana lagu maalgashado.

Rajo beel dhallinyaradii kaga dhacay dowladnimada, kuna qasbay in ay dalka ka cararaan oo hijro iyo qax hor leh galaan.

5. Xorriyadda siyaasadda iyo saxaafadda: Madashu waxay canbaaraynaysaa xadgudubka joogtada ah ee lagula kaco warbaahinta madaxbannaan ee dalka iyo jajuubka dadwaynaha lagu qasabayo is-diiwaan gelinta iyo ka qayb-qaadashada wax lagu sheegay doorasho, taasoo

aysan raali ka ahayn, xayiraadda safarrada siyaasiyiinta iyo xadgudubyada loo gaysto

suxufiyiinta warbaahinta madaxbannaan oo lagu afjigayo tebin dareenka ay shacabka ka qabaan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Haddaba Madashu waxay;

1. Adkaynaysaa midnimada iyo wadajirka dalka, ilaalinta heshiisyadii saldhigga u ahaa aasaaska Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya ee;

a) Nanaanka Federaalka

b) Awood qaybsiga

c) Nidaamka Barlamaaniga ah

d) Doorashada afar sanadlaha ah

e) Wadar-oggol iyo isla-guddoon in lagu gooyo talada geedi-socodka dowlad-dhiska dalka.

2. Caddaynaysaa in ay si buuxda u garab tagaan tahay Ciidanka Qalabka Sida, Ciidanka Difaaca Puntland iyo halgamayaasha deegaanka ee maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan Macawiislayda gobolka Hiiraan ee baacsanaya kooxaha xagjirka iyo argagexisada, waxayna ku baaqaysaa in hiil iyo hooba lala garab istaago geesiyada naftood hurayaalka ah.

Madashu waxay Hoosta ka xariiqaysaa in dastuurka la beddelay uu halis ku yahay geeddi-socodka dowlad-dhiska, midnimada iyo wadajirka.

Uga digaysaa Madaxweynaha faquuqa siyaasadeed ee uu maamulkiisa ku hayo

dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubaland, iyo ficillada xalka sii fogaynaya ee furinta siyaasadeed looga furayo Gobolka Gedo, waxayna ku baaqaysaa in la qaado cunaqabataynta saaran degaannada hoos yimaada dowlad gobolleedka Jubaland.

Canbaaraynaysaa xadgudubka iyo beegsiga warbaahinta madaxbannaan ka

imaanaya hay’adaha ammaanka dowladda federaalka, waxayna xoojinaysaa ilaalinta

xorriyadda saxaafadda, madaxbannaanida warbaahinta iyo kaalintooda lagama

maarmaanka u ah dimoqraadiyadda iyo isla-xisaabtanka sharciga ku dhisan.

Ugu yeeraysaa Madaxweynaha inuu degdeg u joojiyo iibinta dhulka danta guud inta ka harsan, shacabka Soomaaliyeedna u soo bandhigo dhammaan heshiisyadii uu ku bixiyay khayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo hannaanka maaraynta dhaqaalaha ka soo xarooday heshiisyadasi.

Uga digaysaa ganacsatada Soomaaliyeed in aysan ku kadsoonin iibsashada dhulka

danta guud oo aan loo marin sifo sharci ah meel kasta oo uu ku yaallo.

Soo jeedinaysaa in saamileyda siyaasadeed ee dowladda federaadla, madaxda dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaraka kulan degdeg ah la isugu yimaado, si dalka laga samatabixiyo halista argagexisada, loona mideeyo awoodda iyo abaabulka looga hortago duullaankooda, xalna looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dastuurka la beddelay, doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn, maaraynta hannaanka dhaqaalaha iyo heshiisyada khayraadka dabiigiga ah.

Ka soo horjeeddaa in dib loogu laabto doorashadii dadbanayd ee sanadkii 2022,

waxay taageersantahay hannaan doorasho oo daahfuran oo heshiis lagu yahay,

looguna gogol-xaarayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ee 2012, iyo xeerarka xisbiyada iyo guddiga doorashada uu ansixiyey iyo Baarlamaankii sagaalaad ee sharcigii doorashada tooska ah ee uu meel-mariyay Baarlamaankii 10aad.

10. Waxay ku baaqaysaa in dib loo billaabo wadahadalladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, si looga hortago ajandayaasha gurracan ee shisheeyuhu ku doonayaan kala qaybinta ummadda Soomaaliyeed.

11. Mashashu waxa ay u mahadcelineysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar

ahaan qaybihii kala duwanaa ee bulshada ee talooyinka wax-ku-oolka ah ku biiriyay

shirka madasha, sidoo kale, waxay uga mahadcelinaysaa Hotel Jazeera martigelinta iyo maamuska sharfata leh, iyadoo beesha caalamka uga abaalhaysa taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo kaalintooda nabadda iyo dowlad-dhiska.

31. Shariif Sheekh Axmed

2. Shariif Xasan Sheekh Aadan

3. Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan

4. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

5. Maxamad Xuseen Rooble

6. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke

7. Xasan Cali Khayre

8. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

9. Axmed Ciise Cawad

10. Cabdulqaadir Cosoble Cali

11. Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed

12. Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab)

13. Daahir Maxamuud Geelle

–Dhammaad–

- Advertisement -

Read more

Local News