25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Kenya oo saxday khaladkii ku saabsanaa Somaliland ee ay ka gashay Soomaaliya

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah uga saartay Somaliland liiskeedii safaaradaha shisheeye ee ka howl gala gudaha dalka, tallaabo u muuqata in ay ku muujinayso taageerada ay u hayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu muran dhaliyay dukumeenti kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, kaasi oo ku daray “Jamhuuriyadda Somaliland” liiska safaaradaha ajaanibta, iyadoo lagu qoray booska 20-aad. Tallaabadaas ayaa keentay caro ballaaran oo ka dhalatay gudaha Kenya iyo Soomaaliya, taasoo ku qasbatay wasaaradda inay si degdeg ah u saxdo liiska, isla markaana meesha ka saarto tixraaca Somaliland.

Somaliland, oo si iskeed ah madax-bannaani ugu dhawaaqday sanadkii 1991, ayaa muddo dheer raadineysay aqoonsi caalami ah, hase yeeshee weli ma helin wax aqoonsi rasmi ah oo kaga yimid dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay – Kenya-na waxay ku jirtaa kuwa aan aqoonsan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si joogto ah uga hortimaada dadaallada Somaliland ee ku aaddan helista tixgelin diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro,” ayaa 29-kii May si rasmi ah u furay xafiis ay Somaliland ku sheegtay inuu yahay “mission” diblomaasiyadeed oo ay ku yeelaneyso Nairobi. Tallaabadan ayaa timid inkastoo Kenya horay u sheegtay inaan la ogolayn wax xafiis rasmi ah oo ay Somaliland ka furato caasimadda.

Kenya oo taageertay midnimada Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa si degdeg ah uga jawaabtay arrinta, iyadoo mar kale adkaysay in dowladda Kenya ay aqoonsan tahay oo kaliya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay tahay dowladda leh sharciyadda dhammaan dhulka Soomaaliyeed, oo ay ku jirto Somaliland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda waxay mar kale xaqiijineysaa in Dowladda Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah. Waxa kale oo lagu sheegay in Kenya aysan oggolaanin, isla markaana aysan si rasmi ah u taageerin furitaanka xafiiska Somaliland.

Wasaaraddu waxay adkaysay in dhammaan xiriirrada lala yeesho Somaliland ay tahay in si buuxda loogu maro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taasoo muujinaysa sida ay Kenya uga go’an tahay dhowrista habraaca diblomaasiyadda iyo xasilloonida gobolka.

Inkasta oo dowladda Kenya ay caddeysay mowqifkeeda kasoo horjeeda arrinta, haddana xafladda furitaanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin Kenyan ah oo sar-sare, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Uasin Gishu Jonathan Bii iyo Senatarka Marsabit Maxamed Siciid Chute – kuwaasoo si cad u taageeray xafiiska, kuna baaqay in la xoojiyo xiriirka lala yeesho Somaliland.

Waxaa intaa dheer, Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu casuumay Madaxtooyada Kenya ee Nairobi, halkaasoo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Igeh, ayaa shaaciyay kulanka, isagoo baraha bulshada soo dhigay sawir ay wada galeen labada hoggaamiye, isagoo sheegay in kulankooda uu diiradda saarnaa ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo amniga gobolka.

“Waxaan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac, gaar ahaan ganacsiga, waxbarashada, gaadiidka iyo horumarinta dhaqaalaha,” ayuu Cirro ku yiri war uu ku bixiyay luqadda Kiswahiliga. “Waxaan sidoo kale diiradda saarnay xasilloonida Geeska Afrika iyo arrimaha amniga gobolka.”

Si kastaba, Madaxtooyada Kenya kama aysan bixin wax war rasmi ah ama sawirro la xiriira kulankaas – arrin aan caadi ahayn marka loo eego hab-dhaqanka diblomaasiyadeed, taasoo dhalisay shaki ku saabsan ujeeddooyinka dhabta ah ee Nairobi.

Xiriirka dhibban ee Soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Soomaaliya oo horey uga hortimid kulamada ay yeeshaan mas’uuliyiinta Kenyan-ka iyo wakiillada Somaliland, weli kama aysan bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan. Si kastaba, tallaabadan ayaa la filayaa inay sii huriso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Nairobi.

Sanadkii 2020, Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya, kadib markii madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta uu si cad ula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Xilligaas, dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay Kenya “faragelin toos ah iyo mid joogto ah” oo ay ku heyso arrimaheeda gudaha.

Inkastoo Somaliland ay leedahay hay’ado dowladeed oo u gaar ah, lacag iyo ciidan amni oo madax-bannaan, hadana weli ma haysato wax aqoonsi rasmi ah oo caalami ah. Si kastaba, waxay la leedahay xiriirro aan rasmi ahayn dalal dhowr ah, oo ay Kenya ku jirto, gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo iskaashiga amniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa markale ku celisay in xiriir kasta oo lala yeesho Somaliland uu khasab ku yahay inuu maro dowladda dhexe ee Soomaaliya. “Xiriir kasta waa in uu si buuxda ugu dhaco dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo Kenya markale garab istaagtay midnimada iyo jiritaanka sharciyeed ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News