Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay jawaab deg-deg ah oo ku aadan qodobada kasoo baxay shirkii mucaaradka ee xalay lagu soo gabagabeeyay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa ka fal-celiyay war-murtiyeedka kasoo baxay shirka mucaaradka, wuxuuna sheegay in ujeedadooda ugu wayn ay tahay in aan mar kale dib loogu laaban teedhada Afisyooni.
Fiqi ayaa laba qodob kusoo koobay falcelintiisa, wuxuuna sheegay in hadalka mucaaradka ay ugu muhiimsan tahay kaliya in aan in dib loogu laaban doorashadii dadbaneyd iyo sidoo kale inay boggaadiyeen guulaha ay ciidamadu ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
“Warka mucaaradku waa Madaxweyne Xasanow walaalow teendhada hanoo celin, Marka laga soo tago walaaca, welwelka iyo walbahaarka ay ararta ka dhigteen; warqadaha badan ee ay soo saareen xubinta laga qaadan karo waa;
- In ay Ka soo horjeeddaan in dib loogu laabto doorashadii dadbanayd ee sanadkii 2022, ayna taageersan yihiin hannaan doorasho oo daahfuran oo heshiis lagu yahay.
- Iyo bogaadinta Guulaha ciidamada qalabka sida ee khawaarijta dalka ka xoraynaya” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Mucaaradka Soomaaliya oo shirkooda kasoo saaray 11 qodob ayaa dalbaday in doorashada ay noqoto mid daah-furan oo heshiis lagu yahay, si looga hortago qalalaase ka dhaca dalka.
“Madasha waxa ay ka soo horjeeddaa in dib loogu laabto doorashadii dadbanayd ee sanadkii 2022, waxay taageersantahay hannaan doorasho oo daahfuran oo heshiis lagu yahay, looguna gogol-xaarayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ee 2012, iyo xeerarka xisbiyada iyo guddiga doorashada uu ansixiyey iyo Baarlamaankii sagaalaad ee sharcigii doorashada tooska ah ee uu meel-mariyay Baarlamaankii 10aad” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka kasoo baxay mucaaradka.
Waxaa kale oo ay madashu hoosta ka xariiqday in dastuurkii la beddelay, uuna halis ku yahay geeddi-socodka dowlad-dhiska, midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, mucaaradka ayaa dhistay isbaheysi u dhigma kan Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna dooteen hoggaan ka kooban guddoomiye, saddex ku xigeen, xoghaye iyo afhayeen KMG ah.
Qaab dhismeedka hoggaanka ayaa u dhigan hannaan awood qeybsi oo kale, inkastoo xubnaha hoggaanka aanay ku jirin xubin Beelaha Shanaad.
Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqa cusub ee mucaaradka ayaa cabsi weyn ku haya dowladda Soomaaliya, waxaana la sugayaa tallaabada xigta ee ay qaado Villa Soomaaliya oo weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah oo haatan diiwaangelinteeda ay ka socoto Muqdisho.