25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Guddiga doorashooyinka oo soo dhaweeyay go’aankii mucaaradka ay qaateen

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay xubnaha mucaaradka ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in siyaasi iyo shacab la wada doonayo in dalka ay ka dhacdo qof iyo cod, isla markaana ay tahay fursad muhiim ah kadib muddo 60 sano ah.

“Shacbiga Soomaaliyeed 60 sano kahor ayaa ugu dambeysay waxa maanta ay haystaan si walba oo siyaasadda Soomaaliya loo gad-gadiyay waa dhaafi waysay doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyay war-murtiyeedkii kasoo baxay mucaaradka oo nuqul kamid ah lagu sheegay in ay rabaan in aan dib loogu laaban teendhaha Afisyoone, balse ay dalbanayaan doorasho daah-furan oo dhexda lasoo dhigo.

“Waad aragteen madaxdii hore go’aannada ay soo saareen oo ahayd inay rabaan in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah” ayuu mar kale yiri Cabdikariin Axmed Xasan.

Waxaa kale oo sii raaciyay “Doorasho qof iyo cod ah laba shey bis ayaa muhiim u ah ururo siyaasadeed oo diiwaangashan iyo shacbsi Soomaaliyeed oo diiwaangashay oo hadda shaqeedeeda aan wadno”.

Mucaaradka Soomaaliya oo shirkoodii Muqdisho kasoo saaray 11 qodob ayaa dalbaday in doorashada ay noqoto mid daah-furan oo heshiis lagu yahay, si looga hortago qalalaase ka dhaca dalka, waxayna diideen in mar kale dib loogu laabto teendhada Afiysooni.

“Madasha waxa ay ka soo horjeeddaa in dib loogu laabto doorashadii dadbanayd ee sanadkii 2022, waxay taageersantahay hannaan doorasho oo daahfuran oo heshiis lagu yahay, looguna gogol-xaarayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ee 2012, iyo xeerarka xisbiyada iyo guddiga doorashada uu ansixiyey iyo Baarlamaankii sagaalaad ee sharcigii doorashada tooska ah ee uu meel-mariyay Baarlamaankii 10aad” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka kasoo baxay mucaaradka.

Waxaa kale oo ay madashu hoosta ka xariiqday in dastuurkii la beddelay, uuna halis ku yahay geeddi-socodka dowlad-dhiska, midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqa cusub ee mucaaradka ayaa cabsi weyn ku haya dowladda Soomaaliya, waxaana la sugayaa tallaabada xigta ee ay qaado Villa Soomaaliya oo weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah oo haatan diiwaangelinteeda ay ka socoto Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News