25.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

War cusub oo kasoo kordhay shirka uu ku baaqay Xasan

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee qabsoomida gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu casuumay madax-goboleedyada, mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Shirkan oo loo ballansan yahay 15-ka bishan ayaa waxaa faah-faahin ka bixiyay qaban qaabiyay wasiirka cadaadda iyo dastuurka oo kamid ah xubnaha u xilaasan gogosha.

Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in jadwalka shirka uu sidiisii yahay, isla markaana ajendaha uu yahay dastuurka, doorashooyinka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in shirkan aan loo xirin koox gaar ah ee uu yahay shir wadatashi ah oo dhinacyada oo dhan ay ka wada qayb-geli doonaan.

“Annaga koox gaar ah ma casuumin, ajandaha waa cad yahay waxaa laga hadlayaa Dastuurka, Doorashooyinka iyo Amniga, Akhyaari gar waa isku diida balse gogol iskuma diido” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Soomaaliya, Xasan Macalin Maxamuud.

Waxaa kale oo uu intaasi “Ma jirto meel aan ku niri loo joojin mayo, dalkaan waa la wada leeyahay, walaalayaalow gogoshaan ka soo qeyb gala, wixii aad tabaneysaan waa loo wada jooga”.

Dhinaca kale mucaaradka ayaa weli saluug ka muujinayo qaabka uu wax u wado Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna shiruud adag ku xireen ka qayb-galka shirka uu iclaamiyay oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo uu taagan yahay muran siyaasadeed oo wayn.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale shaki xoogan ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, laakiin waxa ay taasi beddalkeeda dalbadeen in shirka uu noqdo mid xal looga gaaro khilaafka ka taagan dalka.

“Madashu waxa ay u aragtaa kulmada uu Madaxweynuhu qabanaayo 15-ka iyo 22-ka bishaan inay yihiin kuwa oo uu taageero ugu raadinaayo jidkii uu horay ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aaminbaxa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka mucaaradka.

Sidoo kale, Madasha ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay dhaawaceyso niyad wanaagii ay markii hore kusoo dhaweysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, ayna niyad-jabineyso shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ee rajada ka qabay gogosha taalla.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad adag, waxaana taaan khilaaf culus oo u dhexeeya dowladda fedeeraalka, qaar kamid maamul goboleedyada dalka iyo xubnaha mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News