Tel Aviv (Caasimada Online) – Iran ayaa gantaallo ku garaacday bartilmaameedyo ku kala yaalla guud ahaan Israel, oo ay ku jirto magaalada dekedda ah ee Haifa, kadib markii ciidanka Israel ay duqeeyeen kaabayaal rayid iyo kuwa tamarta ee gudaha Iran.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in weerarradoodu ay si gaar ah u beegsadeen xarumaha tamarta ee Israel. Dhinaca kale, adeegyada gurmadka degdegga ah ee Israel ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 7 qof lagu dilay weerarradaas, gaar ahaan waqooyiga dalka, xilli khasaaraha Israel uu sii kordhayo.
Haweeney geeriyootay, halka 44 kale ay ku dhaawacmeen weerar gantaallo ah oo Iran ku qaaday Israel waaberigii Axadda, sida ay shaacisay hay’adda gurmadka degdegga ah ee Magen David Adom (MDA).
Qaraxyo xooggan ayaa si isdaba joog ah looga maqlayay bartamaha Israel, kadib markii Iran ay dhowr mar oo xiriir ah soo tuurtay gantaallo nooca ballistic-ga ah.
MDA ayaa sidoo kale sheegtay in ay heshay wicitaanno la xiriira gantaallo laga shakisan yahay inay ku dhaceen meelo kala duwan oo ka tirsan bartamaha Israel.
Ciidanka Israel (IDF) ayaa xaqiijiyay in Iran iyo Xuutiyiinta Yemen ay fuliyeen weerarro isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo lagu beegsaday Israel.
Biro gantaalladu kala daadiyeen ayaa lagu arkay degmooyinka Dan, Central iyo Jerusalem, iyadoo ay jiraan burbur soo gaaray dhismayaal la deggan yahay iyo dabab ka kacay dhulal furan, sida ay xaqiijisay Hay’adda Dab-damiska iyo Gurmadka Israel.
Khasaaro weyn ayaa ka dhacay waddooyin ku yaalla magaalooyinka bartamaha Israel, sida lagu arkay muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada.
Isbitaalka Kaplan ayaa sheegay in uu la tacaalay 17 dhaawac ah, mid ka mid ahna uu xaaladdiisu tahay mid aad u daran.
“Anagoo kaashanayna kooxo caafimaad oo dheeraad ah, waxaan gargaar siinnay in ka badan 20 qof. Hal qof ayaa xaalad halis ah ku sugan, saddex kalena dhaawacooda waa dhexdhexaad. Inta kalena waa dhaawacyo fudud. Waxaa ka mid ah carruur iyo dad waayeel ah. Burbur baaxad leh ayaa ka dhacay goobaha weerarku saameeyay,” ayuu yiri dhaqtarka samatabbixinta ee United Hatzalah.
Shan qof oo ku dhintay waqooyiga Israel
Shan qof ayaa sidoo kale la xaqiijiyey in ay ku dhinteen, ugu yaraan 24 kalena ay dhaawacmeen kadib weerar gantaallo ah oo Iran ku qaaday waqooyiga Israel fiidnimadii Sabtidii, sida ay sheegtay Magen David Adom.
Haweeney 20-jir ah ayaa ku dhimatay kadib markii gantaal ballistic ah si toos ah ugu dhacay gurigeeda oo ku yaalla waqooyiga Israel.
Dab-demisayaal ayaa badbaadiyay afar qof oo ku xayirnaa dhisme saddex dabaq ah oo ku yaalla Waqooyiga, balse labo ka mid ah ayaa lagu xaqiijiyay in ay goobta ku dhinteen.
Haweeney kale oo laga soo badbaadiyay dhismahaas ayaa markii dambe ku geeriyootay isbitaalka.
Dadka ku xayirnaa gantaalka ku dhacay Galilee ayaa sidoo kale la soo badbaadiyay, iyadoo ciidamada gurmadka iyo samatabbixintu ay wali ka shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa in aanay dad kale wali ku hoos jirin burburka, ayna si buuxda u maareeyaan xaaladda.
Israel oo beegsatay keyd shidaal oo ku yaalla Tehran
Dhinaca Iran, cirkii magaalada Tehran ayaa qiiq iyo holac qabsaday Axaddii, kadib markii keyd shidaal oo muhiim ah oo magaalada ku yaalla lagu dhuftay weerar ay Israel qaaday.
Labada dal ayaa dib u bilaabay weerarro is-daba joog ah fiidnimadii Sabtidii, iyadoo madaxda labada dhinac ay ballanqaadeen inay sii kordhin doonaan weerarrada, inkastoo beesha caalamku ay ku baaqday in xiisadda la dejiyo.
Wasaaradda Shidaalka Iran ayaa sheegtay in kaydka shidaalka ee Shahran uu gantaal si toos ah u haleelay, taasoo keentay in uu holcay. Mas’uul ka tirsan wasaaradda ayaa sheegay in bakhaarro shidaal ah oo gaaraya 11 tanamad oo ku yaalla xaruntaas ay qarxayeen mid mid, taasoo khatar weyn ku ah xaafadaha ku dhow.
Qof ku nool dhisme dabaq ah oo si toos ah uga soo horjeeda keydka shidaalka ayaa sheegay in qaraxyadu ay u ekaayeen dhul-gariir. Goobjoogeyaal kale ayaa sheegay in dabku uu ku fidayo buuraha ku xeeran Tehran, isla markaana uu iftiiminayay guud ahaan deegaanka.