Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka scoda magaalada Beledxaawo

0
2934
Somalian soldiers drive on the back of a military vehicle in a street near a hotel in Mogadishu on March 15, 2024. Sporadic explosions and gunfire rang out from a popular hotel in the Somali capital early on March 15, 2024, many hours after Al-Shabaab fighters attacked the site near the presidential palace. The assault late on March 14, 2024 broke a relative lull in violence by the Al-Qaeda-linked jihadist group, demonstrating its continued ability to strike despite a major military offensive against the militants. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

Beledxaawo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo haatan ka socda gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa maamul-goboleedka Jubaland ee isku haya magaaladaasi.

Dagaalka ayaa daba socoda iska horimaadyo maalmahaanba labada dhinac ku dhex-marayay magaalada, waxaana haatan la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa dagaalkan barbar socda madaafiic laga maqlayo aagga xerada UK oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, iyada oo lasoo wariyay in hoobiyeyaasha qaarkood ay ka dhaceen guryo ay leeyihiin dad shacab ah.

Xaaladda ayaa kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka socda iyo madaafiicda ku dhaceysa qaybo kamid ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xiisadda ka taagan gobolkan ayaa u muuqato mid kasii dareyso, waxaana dagaalka uu kusii fidiyaa qaybo kamid ah oo kamid ah Gedo oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubaland.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo habeen hore ka dhacay gudaha degmada Doolow, kaas oo ay ka qayb qaateen ciidamada Itoobiya, kadib markii ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada NISA, halkaas oo ay cagta mariyeen, kadibna ay gubeen xerada.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ayaa gebi ahaanba waxay la wareegeen xerada, waxayna gacantana ku dhigeen Taliyihii ciidanka Nabadusgida ee Doolow iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliya NISA ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay wada-hadallo kula yeesheen madaxda dalka Itoobiya, iyada oo wada-hadalladaas lagu soo qaaday arrinta gobolka Gedo.