Hawlgal culus oo cir iyo dhul ah oo maanta ka socda…

0
3417
Puntland security forces walk in a formation in Balidhidin village in Bari Region, east of the Gulf of Aden in the city of Bosasso, Puntland region, Somalia January 26, 2025. REUTERS/Feisal Omar

Boosaaso (Caasimada Online) – Hawl-gallo culus oo cir iyo dhul ah ayaa saaka aroorti ka bilowday buuraha Xabley ilaa togga Baallade, halkaasi oo ay ku harsan yihiin firxad ka tirsan ururka Daacish.

Hawl-gallada socda oo iska kaashanayaan ciidamada difaaca Puntland iyo saaxiibada caalamiga ayaa imanaya xilli ciidamadu ay todobaadkan jiho kasta kaga dhaqaaqeen togga Baallade ilaa buuraha Xabley, oo ay ku dhuumanayaan xubnihii hore uga badbaaday hawl-galkii togga Miraale

Diyaaradaha dagaalka Puntland oo dusha sare ka ilaalinaya ciidamada ayaa saaka duqeymo aan kala joogsi lahayn ku garaacaya godad ay ku go’doonsan yihiin argagixisada, halkaasi oo laga arkayo qiiq iyo uuro is qabsaday.

Duqeymaha waxaa sidoo kale qeyb ka ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo garaacaya godadka adag, kuwaasi oo xalay fuliyay duqeymo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

Weeraradan ayaa si weyn u taageera ciidamada difaaca Puntland ee haatan howl-gallada culus ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ma jirto illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland iyo Mareykanka oo ku aadan khasaaraha hawl-galladan baaxadda leh.

Si kastaba, Guulaha laga gaaray howl-galka Hillaac ayaa la sheegay inay yihiin kuwa si buuxda u wiiqay awooddii ururka Daacish ee gobolka, inkasta oo weli loo baahan yahay feejignaan dheeri ah oo ku wajahan ragga firxadka ah iyo isku daygooda ah inay dib usoo abaabulaan.