Xogta dagaal ka dhex-qarxay ciidanka DF iyo maleeshiyo

0
4964
Somalian soldiers drive on the back of a military vehicle in a street near a hotel in Mogadishu on March 15, 2024. Sporadic explosions and gunfire rang out from a popular hotel in the Somali capital early on March 15, 2024, many hours after Al-Shabaab fighters attacked the site near the presidential palace. The assault late on March 14, 2024 broke a relative lull in violence by the Al-Qaeda-linked jihadist group, demonstrating its continued ability to strike despite a major military offensive against the militants. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP)

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad maanta dhex-maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo isku fara saaray agagaarka deegaanka Yaaqbariweyne oo ay howlgallo culus ka wadaan ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha guutada 7-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Axmed Gaashaan oo ka warbixiyay howlgalka ay sameeyeen iyo dagaalka xigay ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa soo qabashada maleeshiyaadkii la xukumay iyo qaadista isboorooyinka halkaasi.

Axmed Gaashaan ayaa sidoo kale sheegay in dagaal kooban ay la galeen maleeshiyaadka, balse ugu dambeyn ay ku guuleysteen in ay qaadaan isbaarooyinkii ay dhibaatadu ka jirtay.

“Waxaan qaadnay howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo raggii xukunsanayaasha ahaa ee ummadda dhibaateeyay deegaannadan, waxaan ku guuleysanay inaan isbaarooyinkii qaadno dadkii lagu haystana aan kasii deyno” ayuu yiri Taliye Axmed Gaashaan.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in goobta ay ku dileen saddex kamid ahaa maleeshiyaadkii ku sugnaa isbaarada, ayna sidoo kale qabteen 4 kale oo laba ay dhaawac yihiin, kuwaas oo hubeysnaa.

“Dagaal yar oo kooban ayaa dhacay, waxaana ku naf-waayay saddex kamid ah kuwii ay isbaarada u taallay, waxaa kale oo soo qabanay laba dhaawac ah iyo laba fiyow oo aan gacanta ku hayno hubkoodiina waan haynaa” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in ay sii wadi doonaan howlgalkooda, ayna ku nadiifin doonaan degmada Wanlaweyn iyo dhammaan deegaannada hoostaga ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaannadan ayaa waxaa muddo dheer ka jiray dagaal beeleedyo, iyada oo dilal arxan darro ah ay isku gaysteen maleeshiyaadka labada dhinac ee ku wada sugan halkaasi.