Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaanno horleh oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta is casilay, kuwaas oo sheegay in maamulka uu ka leexday ujeeddooyinkii loo aasaasay.
Illaa 5 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay is casilaadooda, kadib wrasaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen, waxayna kala yihiin;-
1-Xildhibaan Makhtal Saciid Maxamuud, 2-Xildhibaan Cabdisalaan Cabdullahi Maxamed, 3-Xildhibaan Sadiiq Jaamac Muuse 4-Xildhibaan Axmed Cali Maxamed 5-Axmed Caabi Shire.
Wareysi uu bixiyay mid kamid ah Xildhibaannadan oo lagu magacaabo Makhtal Saciid Maxamuud, ayaa Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle u sheegay in go’aankooda ay ku gaareen si iskood ah, isaga oo xusay inay si buuxda uga tanaasuleen xubinnimadii Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
“Aniga oo ku hadlayo afkooda iyo kaygaba waxaan xaqiijinayaa caddeynayaa si buuxda inaanu uga tanaasulnay, isagana casilnay xubinnimadii Baarlamaanka Waqooyi Bari, annaga oo maskax ahaan iyo miir ahaan u fiyow,” ayuu yiri Makhtal Saciid Maxamuud oo kamid ah xubnaha is casilay.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in sababta ugu weyn ee ay isku casileen ay tahay in himiladii iyo hadafkii lagu dhisay maamulka ay meesha ka baxeen, wuxuuna eedda ugu wayn dusha u saaray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in maamulka noqday mid ay si gaar ah u maamulaan Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirashii Abwaan, ayna ka dhigeen “NGO ay jeebka ku sitaan”, sida uu hadalka u dhigay.
“Arrinkaa waxaa keenay oo na gaarsiiyay inay naa soo go’do ujeedkii iyo hadafkii aan maamulka Waqooyi Bari u dhisanay iyo wixii qorshuhuu ahaa ee laga lahaa wax ka weecsan kana duwan in aan meeshaas kala kulanay. Haddii aan faah-faahiyo ujeedka waxa uu ahaa in ummadda ku midowday maamulkaas lagu meelmariyo noloshooda iyo horumarkooda, laakiin waxay isu bedashay wax lamid ah ama ka hooseeya NGO ina Firdhiye iyo Abwaan iska leeyihiin oo jeebka ay ku sitaan ayuu noqday,” ayuu raaciyay Xildhibaanku.
Makhtal ayaa sidoo kale shaaca ka qaday in saacadaha soo socda ay shaacin doonaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, gaar ahaan jihada ay aadayaan, maadaama ay shaaciyeen inay iska casileen Baarlamaankii ay ka tirsanaayeen.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari oo ku aadan arrinta Xildhibaannadaas, waxaase lasoo warinayaa inuu socdo qorshe la doonayo in looga qaado xasaanadda, si kadib loola xisaatamo.
Horay waxaa sidaan oo kale isku casishay Xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje oo kadib u goosatay Somaliland, taas oo maalmo kahor lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, waxayna arrintaas keentay hadal-heyn qabsatay baraha bulshada.
