Washington (Caasimada Online) – Duulimaad siday siddeed muhaajiriin ah oo toddobaadkan ka baxay gobolka Texas, laguna sheegay inuu ku wajahnaa dalka Koonfur Suudaan, ayaa hadda laba toddobaad hakad ku noqon doona dalka Jabuuti, si loo waafajiyo amar maxkamadeed, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt Khamiistii.
Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay qabatay, Leavitt waxay eedda dusha uga tuurtay Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Massachusetts, Brian Murphy, kaddib dhageysi ka dhacay maxkamadda Arbacadii, oo ku saabsanaa siddeed muwaadin oo ka kala yimid Myanmar, Laos, Vietnam, Cuba, Mexico iyo Koonfur Suudaan, kuwaas oo loo tarxiilay waddan saddexaad.
Qareennada difaacayay ayaa sheegay in diyaaradda lagu waday in ay tagto Koonfur Suudaan, hase yeeshee Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) ayaa diiday inay xaqiijiso halka ay ku socotay.
Garsoore Murphy ayaa sheegay intii uu socday dhageysiga in maamulka Trump uu jebiyay amar hore oo maxkamadeed, kaas oo mamnuucayay in muwaadiniinta loo tarxiilo waddamo aan dalkooda ahayn iyaga oo aan la siin fursad ay ku muujiyaan cabsi ay ka qabaan jirdil ama silac, ama iyada oo aan si sax ah hore loogu wargelin.
Murphy wuxuu amar ku bixiyay in dadkaasi la siiyo qareen sharci ah iyo fursad ay ku muujiyaan cabashadooda. Waxa kale oo uu faray in la siiyo ugu yaraan 15 maalmood si ay dib ugu furaan dacwadooda socdaalka, ayna fursad ugu helaan inay ka hortagaan tarxiil kale haddii dowladda weli qorshaynayso inay u dirto waddan saddexaad.
Leavitt ayaa sheegtay in amarka Murphy uu yahay “isku day lagu doonayo in dambiilayaal sharci darro ah dib loogu soo celiyo gudaha Mareykanka.”
“Garsoore Murphy hadda wuxuu khasbayaa saraakiil federaal ah inay ku sugnaadaan Jabuuti muddo ka badan laba toddobaad, taasoo khatar ku ah xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka la leeyahay dalal badan oo caalamka ah, isla markaana khatar gelinaysa nolosha saraakiisha oo lagu khasbayo inay la joogaan dambiilayaal sharci darro ah – dilayaal, tuugo iyo kufsadeyaal,” ayay tiri Leavitt.
Leavitt, oo shaacisay magacyada iyo taariikhda dambiyada ee siddeedda qof ee duulimaadka saaran, ayaa amarka maxkamadda ku tilmaantay “faragelin ballaaran oo xadgudub ku ah awoodaha garsoorka.”
“Wuxuu doonayaa inuu maamulo siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka Mareykanka, taasoo ah mid aan caqli gal ahayn,” ayay tiri.
Garsoore Murphy ayaa sharaxay sida dhacdadani u dhacday, kadib fadhigii maxkamadeed ee xiran ee Arbaco la qabtay. Wuxuu sheegay in muhaajiriinta lagu wargeliyay halka loo waday fiidnimadii Isniinta, saacadaha shaqada ka dib. Subaxnimadii Talaadada, 9:35 subaxnimo waqtiga bartamaha Mareykanka (CT), ayay ka ambabaxeen xarunta ICE si loogu geeyo garoon diyaaradeed oo u dhow.
Murphy wuxuu sheegay in ay suurtagal noqon weyday in muwaadiniintaasi helaan waqti ay ku la xiriiraan qareen ama qoyskooda si ay uga hortagaan tarxiilka, maadaama wargelinta ay timid waqti aan macquul ahayn.
“Tallaabooyinka ay qaaday waaxda,” ayuu yiri Murphy, “si aan muran ku jirin ayay u jebinayaan amarka maxkamaddan.”