Muqdisho (Caasimada Online) – Nin lagu magacaabo Muumin Xasan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa la qabtay isagoo qorsheynaya in uu fududeeyo weerar ay Al-Shabaab u qorsheeyeen in lagu laayo dhaawacyada ciidamada Macawiisleyda ee isbitaallada Muqdisho lagu daaweynayo.
Waxaa lasoo bandhigay codka Muumin oo la hadlaya nin Shabaab ah, isla markaana bixinaya xogo xasaasi ah iyo qorshayaal amni darro ah oo u qorsheysnaa inuu fuliyo.
Ninkaan oo la shaqey jiray Cali Jeyte ayaa mar loo magacaabay guddoomiyaha degmada Moqokori, markii dambena wuxuu ku biiray hey’adaha ammaanka, balse si hoose ayuu ula shaqey jiray Al-Shabaab.
Isbitaallada Kalkaal, Somali Suudaaneys iyo Martiini ayaa la sheegay in ninkaan uu kormeer ku tegay, si dhaawacyada ciidamada macawiisleyda uu soo arkay, una fududeeyo in la weeraro.
Hay’adda NISA oo dabagashay ayaa soo qabatay ninkaan, waxaana taleefankiisa laga helay codad badan oo sir ah, kuwaas oo laga ogaaday in xiriir toos ah uu la leeyahay kooxda Al-Shabaab, baaritaanka Muumin ayaa weli socda.
Waxyaabaha yaabka leh ee codkiisa ku jira waxaa kamid ah, in markii laga wareystay sida Muqdisho weerar looga fuli karo uu sheegay in magalaadaan ay wax badan iska bedeleen intii uu ku maqnaa furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, isla markaana luuq kasta lagu xiray Kaamirooyin si toos ah loola socdo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in isbitaallada loo diray inuu soo kormeero ee dhaawacyada la dhigay aysan sahlaneyn in la weerarro, sidaas darteed wuxuu ku taliyey in Shabaab adeegsadaan Gaari calaamadda Booliska ay ku buugsan tahay.
Ninka Shabaab-ka ah ayaa isna xaqiijinaya inay heystaan gaadiid ay calaamadda Booliska ku buufsan tahay, isagoo ka wareystay ninkaan inta bar koontorol ee ka sokeysa isbitaalka Martiini.
Isbitaalka Martiini oo ku yaalla goob aad loo ilaaliyo ayaa laga dhex qabtay Muumin oo kormeerkiisa iska wata, hakaas oo la dhigay dhaawacyada ugu badan ee ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadle, waana goobta ugu muhiimsaneed ee Shabaab ay doonayeen inay ku weeraraan dhaawcayada.
Ugu dambeyntii qorshihii halista badnaa ee Muumin waa lasoo afjaray, wuxuuna ku jiraa gacanta NISA, waxaa ku socda baaritaan xoog leh, waxaana isisoo taraya xogaha halista badan ee laga helayo keydka ninkaan.
Hoos ka dhageysto codka Muumin oo la hadlaya nin kale oo Shabaab ah