26.3 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Daawo: Jeyte oo xaalad quus ah ku soo arkay HirShabelle, una qeyliyey Xasan Sheekh

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda Cali Jeyte ayaa bixiyey wareysi cusub oo arrinta HirShabeelle uu kaga hadlay, isagoo farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh, kana dacwooday Cali Guudlaawe.

Cali Jeyte ayaa sheegay in shalay uu tegay gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana uu soo arkay xaalad uu ka yaabay oo u baahan in deg deg looga jawaabo, wuxuuna ku taliyey in. Cali Guudlaawe laga hor wareejiuyo dadkaas.

“Tuulooyin ka tirsan Sh/Dhexe ayaan shalay tegay, waxaan moodayey in reer Hiiraan oo kaliya ay baaba’dan yihiin, laakiin waxaan soo arkay in dhibaatadu wada heysato reer HirShabeelle, sababtuna waa hoggaan xumo, fadlan Madaxweyne Xasan Sheekhow talaabo deg deg ah qaad oo labadaas gobol labo guddoomiye u magacow, hadii Cali Guudlaawe aadan ka hor wareeji karin,” ayuu yiri Jeyte.

Wuxuu sheegay in waqtigii madaxda fadhiidka ah ee HirShabeelle uu dhamaaday oo maanta kadib loo baahan yahay in go’aan dhiiran la qaato, si loo badbaadiyo dadka reer HirShabeelle.

“Musiibo ayaan ku soo arkay Sh/Dhexe, gobolka Hiiraana horay ayuu u ba’ay, Madaxweynow dadkii waa dhiig baxayaan ee fadhiga ka kac, xiligaan xabad adag ayaa Hiiraan ka socota, Guudlaawe iyo Dabageedna waa iska baashaalayaan waxba kama oga musiibada taagan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cali Jeyte ayaa sheegay in beeshiisa Xawaadle ay ku soo gartay dagaalka Al-Shabaab, “Madaxweynow Hiiraan oo aan ka soo wadajeedno ayuu dagaalku maanta ka socdaa, beesha Xawaadle oo kaliya ayaa dagaalameysa maanta, hadana golaha amniga qaranka wax metelaad ah kuma lihin, madaxweynow culeysaad badan ayaa ku saaran, laakiin cadaalad ayaan kaa rabnaa,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale Cali Jeyte wuxuu sheegay in Wasiir Fiqi la siiyey xog qaldan oo ah in ninkii Shabaabka ahaa ee Nuunuule ay duqeymo ku dileen diyaarado dagaal, balse xogta dhabta ah ay tahay in macawiisleyda beesha Xawaadle ay dishay.

“Saaxiibkey Wasiirka Gaashaandhigga waan u cudur daarayaa xog qaldan ayaa laga siiyey cidda dishay Khawaarijkii Nuunuule ahaa, laakiin isagu furinta ma tegin, waxaana sabab u ah shirarka amniga looga hadlayo cid nagu metesha ma jirto, war Madaxweynow faldan fagaarayaasha nagu soo dar,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Hoos ka daawo

https://www.facebook.com/dalsantv/videos/1250202230046188

- Advertisement -

Read more

Local News