Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo khudbad ka jeediyay xiritaankii shirkii mucaaradka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee la xiriira hanaanka uu ku wado dalka iyo doorashooyinka.
Cabdi Qaybdiid ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna tilmaamay in dalka uu dib u dhigay isaga oo soo jeediyay in loo maro Faataxada, si uu u dhaafo dalka.
“Anigu waxaan leeyahay aan Faataxada u marno ninkaas waa dhumaye si uu tartiib dalka uga tego, isaga oo dhibaato kale horseedin” ayuu yiri Senator Cabdi Qaybdiid.
Sidoo kale wuxuu ka qoomameeyay inuu isagu gacantiisa kusoo doortay madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu u arko dambi wayn oo uu galay, sida uu hadalka u dhigay.
“Shalay annaga ayaa dooranay meel baa inta aan fariistay gacanta kor u taagay, waxaana iri Ilaahow Rabiyow iga cafi anaa gacantayda ku doortee, waa shakiyay waxaan dareemay inaan dambiile wayn ahay” ayuu mar kale yiri Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).
Waaa kale uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay ku socoto burbur, uuna god kusii ridayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb-qaadano waxa ka socda Soomaaliya oo burburtay iyo rajadii siidii loo soo celin lahaa, sababtoo qadka ayay ka dhacday Soomaaliya” ayuu yiri.
Dhankiisa Sheekh Shariif oo isna hadalka qaatay ayaa boggaadiyay hadalka kasoo yeeray Cabdi Qaybdiid, wuxuuna farriin culus u diray madaxweynaha Soomaaliya.
“Cabdi Qaybdiid, haddiiba maanta meeshaan soo istaagay oo Faataxa ka maray waa ku dhan tahay baahashaas, hadda arrintaas waxaad u haysataan basiid aniga waxaan aaminsanahay inay yihiin wax ka yimid xagga Alle” ayuu yiri madaxweyne hore Shariif.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray” Aniga marka ay ugu yar-tahay Cabdi waxaa aqaanaa 20 sanno weligiis isaga oo Faataxa maraayo ma arkin, marka war raggii qoryaha haystay Faataxa ayay maraayaane madaxweynow raalli ahow”.