Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey hadal yaab leh oo Xasan Sheekh uu ku yiri mar ay ka wadahadlayeen arrimaha doorashada iyo isku wareejinta xukunka.
Rooble ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu si cad ugu sheegay in xukunka uu xoog ku heysa doono oo sidii Farmaajo uusan iska wareeji doonin.
“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa iigu dambeysay 28-kii September, xiligaas waxaa laga joogaa hal sano, waana la taliyey, laakiin waxaan kala kulmay jawaab aadnaa jecleysa doonin, anigana iga yaabisay,” ayuu yiri Rooble.
Rooble ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu talo ugu tegay intii aan la dooran iyo markii la doortay kadib, balse uusan kala kulmin jawaab uu ku farxo.
“Talo walaalnimo ayaan siiyey Xasan Sheekh, waxaan kula taliyey afar sano in uusan maalin ku darsan oo dalka uu si nabad ah uga tago, dad wanaagsanna uu ku wareejiyo, laakiin markii la doortay waan la kulmay, wuxuuna igu yiri Madaxweyne Farmaajo xukunka isagoo awooda inuu heysto ayuu dhulka iska dhigay, ana doqon maahi oo usha waan heysanayaa,” ayuu yiri Rooble.
Wuxuu intaas ku sii daray “ Madaxweyne Xasan Sheekh afkiisa ayaan ka haayaa xukunkaas inuu rabo inuu sii heysto.”
Sidoo kale Rooble ayaa taageero u muujiyey Puntland iyo Jubbaland, isagoo sheegay in Xasan Sheekh ay ka siyaasad badan yihiin, kana soo hari doonaan.
“Madaxweyne Xasan caawa seexan maayo, waxaana leeyahay laf kaa weyn waa ku jebisaa oo Puntland iyo Jubbaland ayagaa soo haraya, adiga ayaa baxaya” ayuu yiri Rooble.
Rooble ayaa sheegay in si weyn uu Xasan Sheekh ugala taliyey dagaalka Puntland iyo Jubbaland, isagoo u cadeeyey in raggaas aan dagaal waxba looga qaadi karin oo ay tahay inuu la heshiiyo, balse uu ka dhega adeygay taladiisa.
Hoos ka daawo