Washington (Caasimada Online) – Donald Trump iyo Elon Musk ayaa Khamiistii si xun iskaga horyimid, taasoo si degdeg ah u burburisay xiriirkoodii siyaasadeed ee aan caadiga ahayn — iyadoo madaxweynaha Mareykanka uu ku hanjabay inuu kala noqon doono bilyaneerkaas qandaraasyada ballaaran ee dowladda.
Trump ayaa hadal uu si toos ah uga jeediyay Xafiiska Oval ku sheegay inuu si weyn uga niyad jabay kadib markii Musk — oo horey u ahaa la-taliye iyo deeq-bixiye muhiim ah — uu si adag u dhaliilay hindise sharciyeedka cusub ee miisaaniyadda, oo Trump ku tilmaamay “mid weyn oo qurux badan” islamarkaana haatan horyaalla Congress-ka.
Labada nin ayaa markii dambe hadallo af-lagaaddo ah iskula beegsaday baraha bulshada — iyadoo Musk uu xitaa, iyadoo aan caddayn loo haynin, sheegay in magaca Trump uu ku jiro dokumentiyo dawladeed oo la xiriira maal-qabeenkii fadeexeysan ee Jeffrey Epstein, oo lagu eedeeyay dambiyo galmo kahor intii uusan is-dilin 2019-kii.
Khilaafka ayaa laga yaabaa inuu yeesho saameyn siyaasadeed iyo dhaqaale oo weyn, iyadoo saamiyada shirkadda Tesla ee Musk ay si weyn hoos ugu dhaceen, halka ganacsadaha u dhashay Koonfur Afrika uu ku hanjabay inuu joojinayo barnaamij muhiim u ah hawlgallada hawada sare ee Mareykanka.
Inkasta oo horey loo tuhunsanaa in xiriirka u dhexeeya shakhsiga ugu lacagta badan dunida iyo ninka ugu awoodda badan Mareykanka uusan socon doonin muddo dheer, haddana xawaaraha uu burburku ku yimid ayaa si weyn uga yaabiyey siyaasiyiinta Washington.
“Runtii waan ka niyad jabay Elon. Waan caawiyay Elon si weyn,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta isagoo la fadhiya Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, oo si aamusan u dhegeysanayay.
“Elon iyo aniga xiriir wanaagsan ayaan lahayn. Ma hubo inuu weli jiro.”
Trump, oo 78 jir ah, ayaa si taban u muujiyay dareenkiisa intii uu 10 daqiiqo khudbad ka jeedinayay, isagoo xusay in toddobaad kaliya laga joogay markii uu si rasmi ah ugu sagootiyay Musk, oo ka tagayay Waaxda Hagaajinta Waxqabadka Dowladda (DOGE).
Markii dambe, Trump ayaa ugu yeeray Musk “mid waalan,” isagoo sheegay inuu isagu ka dalbaday inuu xilka baneeyo maadaama uu “dhabarka ka jabiyay dulqaadkii.”
“Abaal laawe”
Musk ayaa si toos ah uga falceliyay bartiisa X (horey Twitter), isagoo sheegay in Trump uusan guuleysan lahayn doorashadii 2024 haddii uusan helin taageeradiisa, wuxuuna ku eedeeyay “abaal la’aan cad.”
Markii muranka sii kululaaday, Musk ayaa sidoo kale qoray in “Trump uu ku jiro faylasha Epstein,” isagoo tixraacaya dokumentiyo dawladeed oo la xiriira maal-qabeenkaas, kaasoo is-dilay isagoo ku xiran xabsi intii uu sugayay maxkamadeyntiisa.
“Maalin wanaagsan, DJT!” ayuu Musk ku daray.
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa u sheegtay AFP in qoraalka Musk ee Epstein uu yahay “qoraal nasiib darro ah oo ka yimid Elon, oo ka xumaaday ‘Sharciga Weyn ee Quruxda Badan’ maadaama uusan ku jirin siyaasadihii uu doonayay.”
Musk, oo ahaa deeq-bixiyihii ugu weynaa ee ololaha Trump (oo gaarayay $300 milyan), ayaa sidoo kale sheegay in taageeradiisa la’aanteed Trump uusan noqon lahayn madaxweyne, wuxuuna si kulul u dhaleeceeyay “mahadsanid la’aanta” Trump.
Wuxuu sidoo kale “haa” ugu jawaabay qoraal lagu soo jeediyay in Trump xilka laga qaado, wuxuuna si adag u cambaareeyay cunaqabataynta ganacsi ee uu Trump saaray dalalka kale, taasoo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah dhaqaalaha Mareykanka.
Ugu dambeyntii, Trump ayaa ku hanjabay inuu bartilmaameedsan doono Musk isagoo sheegay inuu joojin doono qandaraasyada malaayiinta doollar ah ee dowladda uu ka haysto, oo ay ka mid yihiin kuwa ku saabsan soo ridista dayax-gacmeedyada iyo adeegga Starlink.
“Habka ugu fudud ee lagu dhimi karo miisaaniyaddeenna — kumanaan milyan oo doollar — waa in la joojiyo deeqaha iyo qandaraasyada Elon,” ayuu Trump ku qoray Truth Social.
Musk ayaa mar kale ka falceliyay, isagoo sheegay inuu bilaabi doono “joojinta” dayax-gacmeedka Dragon ee shirkaddiisa SpaceX — taasoo si weyn ugu muhiim ah safarrada ay NASA ku tagto saldhigga hawada sare ee caalamiga ah (ISS).
“Fadeexad”
Markii colaadda labada dhinac ay qaboowday saacado kadib, shirkadda Tesla waxay lumisay in ka badan $100 bilyan oo ka mid ah qiimaheeda suuqa.
Xiriirka u dhexeeyay Trump iyo Musk ayaa markii hore si degdeg ah u kobcay, iyadoo madaxweynuhu taageeray hawlgallada dhimista kharashaadka ee DOGE, halka Musk uu ku hoyday Aqalka Cad marar badan oo uu sidoo kalena kula safray Trump diyaarada Air Force One.
Si kastaba, Musk, oo 53 jir ah, wuxuu xilka DOGE ku sugnaa afar bilood oo kaliya, isagoo niyad-jabay kadib markii uu arkay in isbeddellada ay aad u gaabis yihiin, wuxuuna khilaaf kala kulmay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada Trump.
Inkasta oo ay horey u jireen khilaafyo siyaasadeed, haddana labada nin waxay xiriirkooda u ilaalinayeen heer diblomaasiyadeed, ilaa Musk uu hindisaha Trump ee canshuuraha iyo kharashaadka — oo ah tiirka ugu weyn ajandaha siyaasadeed ee muddadiisa labaad — ku tilmaamay “fadeexad,” isagoo sheegay in uu kordhin doono deynta Mareykanka.
Washington ayaa si weyn u indha-indheyn doonta saameynta ka dhalata khilaafkan.
Musk ayaa baraha bulshada kusoo daabacay codbixin uu ku waydiinayay taageerayaashiisa haddii uu sameysan karo xisbi siyaasadeed cusub — tallaabo halis ah oo ka imanaysa nin horey u muujiyay inuu hantidiisa u adeegsanayo in uu xilalka uga tuuro xildhibaanada Jamhuuriga ee ka soo horjeeda aragtidiisa.
Dhanka kale, Steve Bannon — oo ah xulafo weyn oo Trump ah balse si adag uga soo horjeeda Musk — ayaa ku baaqay in Musk dalka laga masaafuriyo, sida uu qoray New York Times.