Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan inuu dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo ahaa ciyaaryahan horay kubadda Qaranka ugu soo cayaaray.
Dilkaas ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan aagga isgoyska Soobe, ninka dilay ayaa waardiye ka ahaa Hotel ku yaalla aaggaas.
Marxuum Cabdifitaax oo watay Mooto FEKON ayaa la sheegay in ninkaan oo Hotel waardiye ka ahaa ay ku murmeen isticmaalka wado hormarta.
Muran kadib, ninkaan odaga ah ayaa xabad ka daba riday Mootada Ciyaaryahan Cabdifitaax Carab oo sii gudbeysa, sidaas ayuuna ku dhintay.
Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo shaaciyey soo qabashada eedeysana ayaa balan-qaaday in la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh.
Ehellada Marxuumka ayaa maanta diiday in la aaso Meydka oo caawa ku hoyanaya qaboojiyaha.
Mar hadii lasoo qabtay eedeysanaha waxaa lagu wadaa in berri Muqdisho lagu aaso meydka ciyaaryahan hore Cabdifitaax Carab.
Marxuumka oo ahaa wiil dhalinyar ayaa la sheegay in ifka uu kaga tegay shan gabdhood, waxaana maanta dilkiisa aad uga damqaday oo warbaahinta la hadlay bahda ciyaaraha iyo ehellada marxuumka.