25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Mahad Salaad oo dib loogu magacaabay taliyaha NISA

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shir aan caadi ahayn ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad oo mar kale loo soo magacaabay sirdoonka Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, isla markaana ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha ayaa lagu meel-mariyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee ah in Mahad Salaad uu noqdo Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Magacaabistan oo maanta dhaqan-gashay ayaa aad loo hadal-hayay todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana in muddo ah diidanaa Sanbaloolshe oo dadaallo badan geliyay inuu difaacdo kursigiisa, balse uma suuragelin waxaana ugu dambeyn laga qaaday xilka, waxaana golaha wasiirada Soomaaliya ay uga mahad-celiyeen shaqadii uu soo qabtay.

Xil ka qaadista Sanbaloolshe ayey sidoo kale suurta-gal tahay in ay ka careysiiso beeshiisa, oo muhiim u ah dagaalka dowladda ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, inkasta oo laga yaabo in si kale ama xilal kale lagu qanciyo.

Mahad, oo horey u soo maray xilka Taliyaha NISA, ayaa mar kale hantay kalsoonida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii dib loo qiimeeyay xaaladda amniga oo meel xun gaartay.

Ninkan ayaa sannad ka hor laga qaaday xilka, si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha Galmudug, balse wuu ku guuldareystay, taas oo keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo kordhin u sameeyo madaxda dowlad-goboleedyada.

In Mahad Salaad dib loogu magacaabo xilkaan ayaa muujinaysa in shaqadiisa dib loo qiimeeyay, iyadoo Sambalooshe uu arrintaas ka dhiidhiyay oo u arkay bahdil siyaasadeed.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay, oo 15-ka May oo ay haatan u buuxsantay saddex sano, waxa uu beddelay Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda Qaranka. Soo celinta Mahad ayaa sidoo kale ka dhigan inuu Madaxweynaha dib usoo celiyay saddex kamid ah afartii Taliye ee uu hore xilka uga qaaday.

Si kastab ha’ahaatee, isbeddellada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku sameynayo Wasaaradaha Difaaca, Arrimaha Dibadda, Amniga iyo Talisyada Ciidamada ayaa mar walba hakad gelinaya horumarka dagaalka lagula jiro argagixisada, iyagoo sidoo kale abuura firaaqo shaqo oo ay ka faa’iidaystaan kooxaha argagixisada ah.

- Advertisement -

Read more

Local News