Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd ku dhowaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada.
Madaxweynaha ayaa shaaciyay in 15-ka bishaan Juun uu Muqdisho ka furmi doono shirka wadatashiga, oo qeyb ka yihiin siyaasiyiinta mucaaradka. Ku dhowaaqista gogoshan ayaa imaaneysa saacado kadib markii uu soo baxay war-murtiyeedka mucaaradkii maalmihii dambe ku shirsanaa magaalada Muqdisho.
Villa Somalia oo u muuqata mid dooneysa inay hoos u dhigto culeyska bayaanka mucaaradka oo si weyn loogu weeraray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ku dhowaaqday shirweyne wadatashi, kaas oo uu muddo ka cago jiidayay madaxweynaha.
“Waxaa laga codsanayaa siyaasinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalina mug lehna ka gaystaan shirkaan muhiimka u ah dowladnimadeena ayna soo ajiibaan casuumadda rasmiga ah ee Madaxweynaha,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka ambaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku howlananaa wadatashiyo gaar gaar ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan madaxdii hore ee dalka, madaxda dowlad gobaleedyada, ururada siyaasadda, iyo bulshada rayidka.
Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada taas oo ka furmi doonta Magaalada Muqdisho 15ka Juun 2025.
Iyadoo oo la tixgelinayo, muhiimada ay leedahay wadatashi dhab ah oo ku dhisan xeelinta danta guud, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa kulammo loogu gogol xaarayo shirkas islamarkaana diiradda lagu saaray arrimaha hortabinta u leh xaaladda dhiska dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada, Dimuqraadiyanta iyo Doorashooyinka, Dhammeystirka Dastuurka, Midnimada iyo Dhab-u-heshiinta.
Haddaba waxaa laga codsanayaa siyaasinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalina mug lehna ka gaystaan shirkaan muhiimka u ah dowladnimadeena ayna soo ajiibaan casuumadda rasmiga ah ee Madaxweynaha.
Arrimaha farsamada ee gogoshaas iyo wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka howlgalaayo oo lagala xiriiraaya guddi gaar ah ee uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.