25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Guddiga doorashooyinka oo qaaday tallaabo yaab leh oo dhalisay fal-celin xooggan

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa maanta qaaday tallaabo yaableh oo la xiriirta doorashooyinka lagu murunsan yahay ee qof iyo codka ah, kadib markii uu diiwaangelin ka bilaabay waddooyina waawayn ee caasimada.

Guddiga ayaa soo qaatay gawaari nooca raaxada ah oo la dhex-dhigay Kumpuutaro lagu diiwaan-gelinayo dadweynaha maraya jidad muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.

Dadka ayaa la arkayaa iyaga oo safaf ku jira, isla markaana qaadanaya shahaadada isdiiwaangelinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee uu weli ka taagan yahay muranka, yana isku hayaan Villa Soomaaliya iyo mucaaradka oo arrintan ka qaba walaac xooggan.

Guddiga oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in isdiiwaangelintu ay ku socoto si habsami lahe, wuxuuna shacabka kugu baaqay inay shahaadooyinka qaataan, si ay codadka u dhiibtaan.

“Muwaadin is-diiwaangeli oo iska diiwaangeli goobta kugu dhaw ee ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si aad u hesho xuquuqdaada dastuuriga ah ee codbixinta marka la gaaro doorashada” ayaa lagu yiri farriin uu soo saaray guddiga doorashooyinka.

Dhinaca kale arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada oo su’aalo ka keenay qaabka uu wax u wado guddiga.

Mascuud Xasan: “Guddiga doorashada waa wareereen wax is diiwangaliyo markii ay waayeen ayay jidadka so istaageen sidii shirkadaha Simcards-ka wareejin jiro oo kale”

Mahad Diiriye Maxamed: “Mesha kaar miyaa lagu qaybina waa maxay nolashan?”

Enjineer Daahir Sheekh: “Shaqadaan waxbaa ku dhax rafanayee ummadda shaki ayaa hareeyay, howshanine mid kheyru caadi ah bey u egtahay”.

Nuur Cabdullahi: “Gaari dhaxdiis miyaaa la’isku dhax diiwan-gelinooya wallaahi yaab waaye”.

- Advertisement -

Read more

Local News