Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si cad u beenisay wararka sheegaya in ay joojisay maalgelintii hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo ku nuuxnuuxsatay in halkii ay ka bixi lahayd ay si adag ugu baaqayso dalalka kale in lala wadaago culayska dhaqaale ee hawlgalka.
Bayaan Talaadadii lagu daabacay barta X (horey Twitter), Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, oo uu guddoomiye ka yahay Senator Jim Risch, ayaa lagu adkeeyay sida ay Mareykanka uga go’an tahay taageerada hawlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya, balse waxaa lagu sheegay in dalalka Yurub iyo Afrika laga rabo in ay qaataan mas’uuliyadda kaga aaddan hawlgalka.
“Mareykanku ma diidin taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya – waxaan kaliya ku adkeysanaynaa in Yurub iyo Afrika ay ka qeyb qaataan si caddaalad ah. Qorshayaal maalgelin sida Qaraarka 2719 ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSCR 2719) waxay u oggolaanayaan dalalka kale inay iska dhega tiraan waajibaadkooda, isla markaana culayska ku ridaan canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, halka Qaramada Midoobayna ay ka hesho marmarsiiyo ay kaga leexato guuldarrooyinkeeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Qaraarka UNSCR 2719, oo la ansixiyay bishii December 2023, ayaa u oggolaanaya hawlgallada Midowga Afrika in ay ka helaan Qaramada Midoobay illaa 75% miisaaniyaddooda.
Sida laga soo xigtay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Mareykanku wuxuu tan iyo 2007 si toos ah u taageerayay dadaallada nabad-ilaalinta Soomaaliya, isagoo ku bixiyay in ka badan $1.5 bilyan oo gargaar bini’aadantinimo ah iyo $240 milyan oo taageero horumarineed ah.
Inkasta oo Mareykanku bixiyay taageero ballaaran, Washington ayaa dhawaan muujisay walaac la xiriira in ay si aan sinnayn u qaadday culayska dhaqaale ee hawlgalka.
Bishii May, Senator Risch iyo xildhibaanada Ted Cruz iyo Rick Scott ayaa horgeeyay Congress-ka hindise sharciyeed cusub oo lagu magacaabo AUSSOM Funding Restriction Act of 2025, kaas oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo lacagaha canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, isla markaana lagu xoojiyo isla xisaabtanka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee ku aaddan hawlgallada nabad-ilaalinta ee Afrika.
Sharcigan ayaa sidoo kale dhigaya in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu sanadle u sameeyo qiimeyn madax-bannaan oo lagu ogaanayo sida Midowga Afrika u fulinayo qodobbada ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee UNSCR 2719.
Waxa uu sharcigu intaa ku darayaa in warbixino faahfaahsan laga soo gudbiyo Congress-ka, kuwaas oo daboolaya natiijooyinka qiimeynta, waxqabadka hawlgalka AUSSOM, iyo wixii tabarucaad ah ee Mareykanka ku bixiyo iyadoo la raacayo nidaamka qaraarkaasi.
“Xafiiska Qaramada Midoobay, xulafadeenna Yurub waxay doonayaan in ay ka cararaan waajibaadkooda dhaqaale ee ku aaddan hawlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo u guuraya hannaan maalgelin aan sinnayn oo culayska dusha ka saaray Mareykanka,” ayuu yiri Risch xilligaas.
“Arrintaas lama aqbali karo. Hindise sharciyeedkan wuxuu mamnuucayaa in Mareykanku wax tabarucaad ah ku bixiyo hawlgalka AUSSOM inta laga helayo caddeyn rasmi ah in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay si mas’uuliyad leh u maamulayaan dhaqaalaha ay helaan, si looga hortago in Mareykanka si joogto ah loogu qasbo maalgelinta nidaam fashilmay.”