25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Maxaa laga ogyahay weerarka Israel ee Iran iyo goobaha lagu beegsaday? + Sawirro

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa Jimcihii sheegtay in ay duqeymo ka fulisay goobaha nukliyeerka iyo kuwa milatari ee Iiraan, iyadoo ballanqaadday inay sii wadi doonto hawlgallada militari “si khatartaas loo baabi’iyo.”

Weeraradaas ayaa laga soo sheegay dhowr gobol oo dalka Iiraan ah, waxaana qaraxyo laga maqlay caasimadda Tehran iyo xarunta muhiimka ah ee kobcinta uranium-ka. Haddaba waxaan hoos idin kula wadaagaynaa waxa laga ogyahay weerarka.

Maxaa la beegsaday?

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradohoodu duqeeyeen “dhowr bartilmaameed milatari, oo ay ku jiraan goobaha nukliyeerka ee meelo kala duwan oo Iiraan ah.”

Qaraxyo ayaa laga soo wariyay magaalada Tehran, halkaas oo telefishinka dowladda Iiraan uu sheegay in dab iyo qiic laga arkay xarun muhiim u ah Ilaalada Kacaanka oo ku taalla bariga magaalada.

Sidoo kale, telefishinka qaranka ayaa sheegay in “qaraxyo waaweyn” laga maqlay magaalada Natanz oo ku taalla gobolka dhexe ee Isfahan, halkaas oo xarun muhiim ah oo nukliyeer ah ay ku taallo.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz “laga beegsaday dhowr jeer,” iyadoo la baahiyay muuqaallo muujinaya qiic culus oo ka baxaya xaruntaas.

Sida ay sheegeen warbaahinta gudaha Iiraan, guryo ku yaalla magaalada Tehran ayaa burburay, waxaana la xaqiijiyay in dad rayid ah ay ku dhinteen weerarka.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Israa’iil ayaa sheegay in weerarradu ay “u badan tahay” in ay dileen Maxamed Baqeri, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan, iyo sidoo kale saynisyahanno sare oo ka shaqeynayay barnaamijka nukliyeerka.

Dhanka kale, warbaahinta Iiraan ayaa ku warrantay in taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka, Xuseen Salaami, lagu dilay duqeynta.

Maxaa hadda weerarka loo qaaday?

Israa’iil waxay u aragtaa dowladda wadaaddada ah ee Tehran in ay halis ku tahay jiritaankeeda, iyadoo horey u beegsatay nidaamka difaaca cirka ee Iiraan sannadkii hore.

Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz ayaa ku tilmaamay weerarka “tallaabo hortag ah.”

Mareykanka, Israa’iil, iyo qaar ka mid ah waddamada reer Galbeedka ayaa si joogto ah ugu eedeeyay Iiraan in ay isku dayayso in ay horumariso hub nukliyeer ah — arrin ay Iiraan si joogto ah u beeniso.

Israa’iil ayaa mar kale ku baaqday in tallaabo caalami ah la qaado, kadib markii Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA) ay Arbacadii ku eedeysay Iiraan in aysan u hoggaansamin waajibaadkeeda.

Waxaa jiray calaamado hore oo muujinayay in weerar milatari la qorsheeyay, iyadoo warbaahinta Mareykanka ay soo warisay weerar Israa’iil oo soo socda, kaasoo aan lala socodsiin Washington.

“Ma dhihi karo waa mid dhici doona, balse waxa ay u muuqataa wax dhici kara waqti dhow,” ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Khamiistii, xilli suxufiyiin weydiinayeen haddii weerar Israa’iil uu dhow yahay.

Wajiga lixaad ee wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ayaa lagu waday in Axadda ka furmaan dalka Cumaan.

Yaa ka qeyb qaatay?

Inkasta oo Israa’iil ay si weyn ugu tiirsan tahay Mareykanka dhanka taageerada milatari iyo mid diblomaasiyadeed, haddana weerarradan ayey kaligeed qaaday, sida uu sheegay diblomaasi sare oo Mareykan ah, Marco Rubio.

“Annagu kuma lihin wax shaqo ah weerarrada Iiraan, mudnaanteennuna waa ilaalinta ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka,” ayuu yiri Rubio, isagoo uga digay Tehran in ay beegsato danaha Mareykanka.

Rubio wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay “nagu soo wargelisay in ay u aragto tallaabadan mid lagama maarmaan u ah difaaceeda,” isagoo aan caddeyn taageero ama cambaareyn toona.

Sidee looga falceliyay?

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Tehran ayaa hakiyay dhammaan duulimaadyadii, halka dowladda Ciraaq ay gebi ahaanba xirtay hawadeeda.

Israa’iil ayaa sheegtay in Iiraan laga yaabo in ay si degdeg ah uga aargoosato, waxayna ku dhawaaqday xaalad degdeg ah iyadoo sidoo kale xirtay hawadeeda.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu la kulmi doono saraakiisha amniga kadib weerarka, iyadoo tallaabada Israa’iil ay cambaareysay Senator Jack Reed, oo ah xubinta ugu sareysa ee Democrat-ka ee Guddiga Adeegyada Milatariga ee Senate-ka Mareykanka.

“Go’aanka halista ah ee Israa’iil ku qaaday weerarkan cirka ah ee Iiraan waa kicin khatar ah oo horseedi kara fawdo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Reed.

Weerarka ayaa sababay in qiimaha saliidda kor u kaco illaa lix boqolkiiba.

- Advertisement -

Read more

Local News