Muqdisho (Caasimada Online) – Luuqadda Soomaaliga ayaa kamid noqon doonta sanadkaan Afafka lagu turjumayo khudbadaha muhiimka ah ee Xajka, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Muqtaar Rooboow Cali.
Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Makkah, kaasi oo uu la yeeshay madaxda shirkadaha Xujayda keenta dalka Sacuudiga ayaa xusay muhiimadda ballaaran ee ay u leedahay xujeyda Soomaaliyeed in khudbadaha halkaas laga jeedinayo lagu turjumo luqadda Soomaaliga, si ay si buuxda u fahmaan fariimaha muhiimka ah ee laga jeedinayo goobaha barakeysan.
“Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha ay jeedin doonaan maalmaha Xajka ma’suuliyiin Sacuudiga waxaa lagu daray luuqada Soomaaliga, si ay Xujeyda Soomaaliyeed u fahmaan khudbadaha” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow.
Mudane Rooboow ayaa intaa ku daray in Xajku yahay cibaado mudan in loo qabto si ixtiraam leh, dulqaad badan iyo adeeg hufan, isagoo ku dhiirri-geliyay shirkadaha in ay xoogga saaraan badbaadada iyo daryeelka xujeyda, in la fuliyo jadwalka raridda si waqtiyeysan, iyo in si gaar ah loo ilaaliyo sumcadda wanaagsan ee Soomaaliya.
Dr. Khadar Daahir Suleymaan, oo ka mid ah madaxda shirkadaha Xajka, ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan dhanka farsamada ee fulinta howlaha raridda xujeyda, qorsheynta iyo isuduwidda safarrada xujeyda inta u dhaxeysa Makkah, Mina, iyo Carafa.
Waxa uu sidoo kale xusay in la tixgelinayo ka hortagga ciriiriga iyo isdhexyaaca, la shaqeynta maamulka Sacuudiga, iyo la socodka nidaamka cusub ee elektaroonigga ah ee sanadkan la adeegsanayo.
Ugu dambeyntiina waxa uu carrabka ku adkeeyay in la hirgelinayo nidaam lagu qiimeeyo waxqabadka shirkadaha, si looga hortago cabashooyinkii hore uga imaan jiray howlaha Xajka, loona xaqiijiyo adeeg hufan oo xujeyda Soomaaliyeed ay ku qanacsan yihiin.