25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu lumiyey kalsoonida Mareykanka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Hadalka sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka oo muujiyay walaac ku saabsan mudnaanta siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa calaamad u ah isbeddel xasaasi ah oo ku yimid sida Maraykanku u arko saaxiibkiisa muddada dheer ee Geeska Afrika.

In kasta oo hadalku yahay mid diblomaasiyadeed oo si miyir leh loo dhigay, fariintu waa mid aan mugdi ku jirin: kalsoonidii Maraykanka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si tartiib tartiib ah ayey u sii lumaysaa.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xilka sannadkii 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isbeddel siyaasadeed ka dhigay tiirka ajendayaashiisa siyaasadeed, isaga oo xoogga saaray doorasho hal qof, hal cod ah. Qaar baa arrintan u arka tallaabo lagu xoojinayo dimoqraadiyadda, halka kuwa kalena ay u arkaan dadaal uu Madaxweynaha ku urursanayo awoodda, isagoo meesha ka saaraya doorarkii dawlad-goboleedyada.

Dadaallada dowladda ee ku aaddan wax-ka-beddelka dastuurka ayaa sii huriyay cabsi horey u jirtay, iyada oo khilaafyo ka dhex abuurtay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland.

Hadda, saraakiil Maraykan ah ayaa ka digaya in is-hoosaysiinta siyaasadeed ay si weyn uga leexinayso feejignaanta dowladda ee khatarta ugu daran ee dalka — dib u soo kabashada kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Maxay muhiim u tahay isbeddelkan Maraykanka ku yimid?

Maraykanku wuxuu muddo dheer ahaa saaxiibka amni ee ugu weyn ee Soomaaliya—wuxuu bixiyay taageero diyaarado aan duuliye lahayn, tababbaro ciidan, iyo garab diblomaasiyadeed.

Bilowgii xilkiisa, iskaashigaas wuxuu horseeday guulo laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan bartamaha Soomaaliya. Laakiin markii khilaafaadkii siyaasadeed gudaha dalka ay kordheen, wada-shaqayntii u dhaxaysay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada ayaa burburtay, taasoo hakad gelisay hawlgalladii militari.

Hadda, Al-Shabaab ayaa dib usoo ceshanaysa dhulkii ay horey u lumisay. Intii u dhaxaysay 2024 iyo bilowgii 2025, kooxda ayaa weerarro cusub ka qaaday Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, iyo Hiiraan—waxayna bishii Maarso 2025 isku dayeen inay ku khaarijiyaan madaxweynaha weerar toos ah oo ka dhacay caasimadda.

Iyadoo hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS uu sii galayo marxalad kala guur ah loona wareegayo howlgalka cusub ee AUSSOM oo aan dhaqaale ku filan haysan, waxaa si weyn usii kordhaya baahida ah in dowladda Soomaaliya ay hoggaan u noqoto howlgallo mideysan oo amni.

Marka saraakiisha Maraykanka ay yiraahdaan Madaxweynaha wuxuu “carqalad ku yahay horumarka la-dagaalanka argagixisada” sababtoo ah diiradda uu saaray xaraynta awoodda, arrintu ma aha dhaliil keliya—waa calaamad muujinaysa in Washington ay dib u eegayso heerka ay ula jaanqaadi karto hoggaanka hadda jira ee Soomaaliya.

Maxaa laga fili karaa haddii xiriirka sii xumaado?

Xiriir daciifa oo u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya wuxuu keeni karaa saameyn ballaaran. Marka hore, waxaa hoos u dhici kara taageerada maaliyadeed iyo tan hawlgal ee la siiyo ciidamada amniga Soomaaliya—gaar ahaan cutubka Danab oo ah guutada khaaska ah ee ay Maraykanku tababarto.

Marka xigta, Soomaaliya waxay u leexan kartaa xulafo kale sida Turkiga iyo Qadar—waddamo durba xoojiyay joogitaankooda dhaqaale iyo militari ee dalka.

Gudaha dalka, dareenka ah in Madaxweynaha uu luminayo kalsoonida saaxiibada reer Galbeedka wuxuu dhiirrigelin karaa kooxaha mucaaradka ah, wuxuuna caqabad ku noqon karaa dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo doorasho qaran. Waxaa sidoo kale laga yaabaa in dawlad-goboleedyadu ay bilaabaan inay si madax-bannaan u dhaqmaan, taasoo dhaawici karta midnimada qaranka.

Arrinta ugu khatarta badan ayaa ah in hoos u dhaca iskaashigu uu abuuro firaaq amni oo ay Al-Shabaab ka faa’iideysan karto—arrin ay horey si joogto ah ugu sameeyeen gudaha Soomaaliya.

Si kooban: Hoos u dhaca kalsoonida Maraykanka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma aha digniin diblomaasiyadeed oo keliya—waa xilli isbeddel istiraatiiji ah. Haddii hoggaanka Soomaaliya uusan dib ugu laabanin hannaan loo dhan yahay iyo feejignaan dhab ah oo lagula dagaallamo argagixisada, natiijadu waxay noqon kartaa mid qaraar: taageero sii yaraata, kala qaybsanaan siyaasadeed oo sii xumaanaysa, iyo firfircoonaan cusub oo ay helaan kooxaha xagjirka ah. Fursadda lagu sixi karo jihada ayaa si degdeg ah u xirmeysa.

- Advertisement -

Read more

Local News