26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Xogta wada-hadalkii Xasan Sheekh iyo Recep Erdogan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Turkiga, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, khadka taleefanka kula hadlay galabta.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo arrimo ku saabsan gobolka iyo dunida inteeda kale.

Madaxweyne Erdoğan ayaa Madaxweyne Xasan u xaqiijiyey in Turkigu taageersan yahay himilada horumarineed ee Soomaaliya ee ku saleysan dimuqraadiyadda, isla markaana uu sii kordhin doono taageeradiisa dagaalka Soomaaliya kula jirto argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay in iskaashi rajo badan leh uu ka dhexeeyo Turkiga iyo Soomaaliya, kaas oo ay ugu muhiimsan yihiin dhinacyada tamarta iyo kalluumeysiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada ballaaran ee joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Erdoğan, ayaa u diray salaan iyo bogaadin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda soo socota ee Ciidda Carafo (Ciidul Adxaa) awgeed.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka wada shidaal baaris mareysa heer gabagabo ah, waxaana u badan qodobada ay labada Madaxweyne ka wadahadleen arrimaha shidaalka.

Markii lasoo gabagabeeyo baarista, Turkiga oo ku howlgelaya natiijada laga helo baaritaanka ayaa horay ka bilaabaya qoditaanka shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News