25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Maxkamad diiday tallaabo ay qaaday dowladda Jarmalka oo la xiriirta dad Soomaali ah

By Omar Mohamed
Bookmark
Bookmarked

Share

Berlin (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa Isniintii sheegtay in dowladda ay si sharci-darro ah uga celisay xadka muhaajiriin magangalyo doon ah, kadib markii saddex qof oo Soomaali ah ay isku dayeen inay dalka kaga soo galaan dhanka xuduudda Poland.

Labada nin iyo haweeneyda ayaa laga celiyay saldhigga tareennada ee magaalada Frankfurt an der Oder oo ku taalla xadka bari ee Jarmalka, iyadoo lagu saleynayo in ay kasoo galeen waddan saddexaad oo “amnigiisu la hubo,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda.

Go’aankan ayaa caqabad ku noqon kara siyaasadda adag ee socdaalka ee uu hirgelinayo ra’iisul wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz iyo isbahaysigiisa midigta, kuwaasoo xukunka la wareegay bishii Febraayo iyaga oo ballanqaaday tallaabooyin adag oo walaac ka dhaliyay dalalka dariska la ah Jarmalka.

Sida ay werisay warbaahinta RBB, oo soo xiganeysa afhayeenka maxkamadda, tani waa kiiskii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo markii Merz xukunka la wareegay.

“Sharci-darro”

“Celinta dadka codsaday magangalyada waxay ahayd mid sharci-darro ah,” ayaa lagu yiri bayaanka maxkamadda Berlin, iyadoo lagu daray in codsiyadooda ay ahayd in si rasmi ah loogu baaro Jarmalka, sida uu dhigayo xeerka Dublin ee Midowga Yurub, kaasoo qeexaya waddanka mas’uulka ka ah baaraandegga codsiyada magangalyada.

“Hase yeeshee, codsadayaashu ma lahayn xaq ay kaga gudbaan xadka si toos ahna ugu galaan Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka,” ayay raacisay maxkamaddu, iyadoo sheegtay in codsiyada lagu baari karo xadka ama meel u dhow.

Socdaalka ayaa ka mid ah arrimaha ugu weyn ee walaaca ka haya cod-bixiyeyaasha Jarmalka, iyadoo muran ka dhashay muhaajiriinta cusub uu sare u qaaday taageerada xisbiga midigta fog ee Alternative for Germany, kaasoo galay kaalinta labaad doorashadii guud ee Febraayo.

Tani waxay muujinaysaa isbeddel weyn marka loo eego dhaqankii “Soo-dhoweynta Qaxootiga” ee Jarmalka xilligii Angela Merkel, hoggaamiyihii hore ee midigta dhexe, intii lagu jiray dhibaatadii qaxootiga Yurub ee 2015.

Xukuumadda Merz ayaa bishii May soo saartay amar lagu diidayo muhaajiriinta aan heysan wax dukumeenti ah, oo ay ku jiraan kuwa magangalyo doonka ah, in ay dalka soo galaan.

Dhaliisha mucaaradka

Go’aanka maxkamadda ayaa si degdeg ah u soo dhoweeyay xisbiga Greens, oo haatan ku jira mucaaradka, kuwaasoo sheegay in xukunku uu xaqiijinayo aragtidooda ahayd in siyaasadda adag ee Merz ee socdaalka aysan suurtagal ahayn in la hirgeliyo.

“Tani waa guuldarro culus oo soo gaartay dowladda federaalka, waana digniin muujinaysa in loo baahan yahay in la dhowro sharciga, lagana fogaado in awoodaha dowladda loo adeegsado ujeeddooyin dad lagu kasbado,” ayay tiri xildhibaanadda xisbiga Greens, Irene Mihalic, oo la hadashay wargeyska Rheinische Post.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Alexander Dobrindt, ayaa toddobaadkii hore sheegay inuu rajeynayo in Midowga Yurub uu gaaro heshiis guud oo waddammada xubnaha ka ah u oggolaanaya in dadka magangalyo doonka ah ee la diiday balse aan lagu celin karin dalkooda hooyo, loo wareejiyo dalal amni ah oo u dhow halka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Karl Kopp, agaasimaha fulinta ee ururka u dooda xuquuqda muhaajiriinta ee Pro Asyl, ayaa u sheegay Rheinische Post: “Hawlgalka sharci-darrada ah ee Dobrindt ee siyaasadda magangalyada ee keli-taliska ah wuu fashilmay. Waa in lagu joojiyaa khaladkan.”

Wuxuu ku baaqay in saddexda qof ee Soomaaliyeed loo oggolaado inay dib ugu soo laabtaan Jarmalka.

Guddiga Fulinta ee Midowga Yurub ayaa bishii hore soo jeediyay qorshe oggolaanaya in waddamada xubnaha ka ah EU ay diidi karaan codsiyada magangalyada ee muhaajiriinta kasoo gudbay waddan saddexaad oo “amnigiisu la hubo.”

Qorshahaan, oo ay si adag u dhaliileen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, weli ma helin ansixinta dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub ama baarlamanka Yurub.

- Advertisement -

Read more

Local News