25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Mucaaradka oo sameystay isbaheysi u dhigma kan Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samata-bixinta ee xubnaha Mucaaradka oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday Hotelka Jazeera ay ku midoobeen ayaa doortay hoggaan ka kooban Guddoomiye, Saddex Ku xigeen, Xoghaye iyo Afhayeen KMG ah.

Qaab dhismeedka hoggaanka ayaa u dhigan hannaan awood qeybsi oo kale, inkastoo xubnaha hoggaanka aanay ku jirin xubin Beelaha Shanaad.

Mucaaradka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan war-saxaafadeed ku saabsan xaalada dalka, kaas oo lagu saleynayo aragtiyihii ay isku dhaafsadeen shirkaan oo maalmo uga socday Muqdisho.

Qaabka loo dhisay Hoggaanka Madasha Mucaaradka ayaa u eg midda Xisbiga JSP ee ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka.

Xisbiga hoggaamiya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar hoggaankiisa ayaa ka kooban Guddoomiye, Afar ku xigeen iyo Xoghaye oo la jaan-qaadaya hannaanka wax qeybsiga beelaha ee loo yaqaan 4.5.

Madasha cusub ee mucaaradka ayaa waxaa ku mideysan inta badan xubnaha ugu saameynta badan siyaasadda dalka ee banaanka ka jooga xeyndaabka dowladda ama aan xilalka ka heynin.

Xubnaha ka maqan ee muhiimka ah waxaa kamid ah Farmaajo, Cabdiweli Sheekh, Saciid Deni iyo masuuliyiin kale oo faro ku tiris ah, kuwaas oo dib uga soo biiri kara ama dhankooda ka abaabula kara qorshahooda siyaasadeed.

Dhaq-dhaqaaqa cusub ee mucaaradka ayaa cabsi weyn ku haya dowladda federaalka, waxaana la sugayaa warka ay ka soo saari doonaan shirka xasaasiga ah ee Muqdisho uga socda.

Hanaanka loo dhigayo doorashooyinka Soomaaliya iyo wax ka bedelka lagu sameeyey dastuurka ayey ka taagan tahay dooda ugu adag ee mucaaradka iyo dowladda dhex-taalla, sidoo kale guddiga doorashooyinka oo baarlamaanku ansixiyey ayey mucaaradku dood weyn ka qabaan.

 

- Advertisement -

Read more

Local News